Ururka Waddamada Islaamka ayaa Quddus u aqoonsaday magaalo-madaxda Falastiin, dunida kalena ugu baaqay in ay sidaa yeelaan

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo mideeya waddamada Islaamka ee dunida ayaa ugu Quddus u aqoonsaday magaalo-madaxda Falastiin, dunida kalena ugu baaqay in ay sidoo kale yeelaan.

Ururkan oo kakooban 57 dal, waxay toddobaakan isugu yimidaadeen shir degdeg ah magaalada Istanbuul ee Turkiga waxayna sidoo kale ku gacan-saydhay aqoonsiga uu Madaxweyne Trump Quddus u aqoonsaday magaalo-madaxda Israa’iil.

Ururku wuxu sheegay in aanay waligood ka hadhayn hadafka ah Falastiin oo dal noqota, Quddusna ay magaalo-madax u noqoto.

Ururku waxay Qaramada Midoobay ugu baaqeen in ay soo gabagabayso haysashada ay Israa’iil haysato dhulka Falastiin iyo in ay sidoo kale go’aanka Trump ku tilmaamaan mid dambi ah.

Ururkan oo la aasaasay 1969kii, waxa loo arkaa in uu yahay ururka mideeya codka Muslimiinta meel kasta oo ay dunida ka joogaan.

Bandhige@gmail.com