Waaxaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo soo Bandhigay Waxqabadkooda Bisha January, 2019

Tan iyo intii uu xilka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda la wareegay Dr. Sacad Cali Shire, waxa dhammaan Waaxaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo ka kooban 13 Waaxood loo qoondeeyay hawlo taaas oo ay ka soo samaysteen qorshe-hawleedyadoodii iyada oo kulamo joogto ah ay isla yeelanayeen dhammaan waaxaha wasaaradda iyo madaxda sar sare ee wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

Diyaarinta qorshaha iyo kulamada joogtada ahi waxay socdeen muddo bil ah.

Hadaba, Shalay oo ay bishu ku beegnayd 24/02/2019 ayaa waaxaha kala duwan ee wasaaraddu soo jeediyeen waxyaabihii u qabsoomay bishii Jeenawari marka la barbardhigo wixii u qorshaysnaa iyaga oo ka soo dheeganaya qorshe-hawleedkooda 2019 ka. Waaxuhu waxay soo gudbiyeen qodobadii loo qorsheeyey, wixii u qabsoomay, wixii aan u qabsoomin iyo wixii caqabado ka horyimid.

Kulankan shalay oo ka dhacay Maansoor Huteel waxa hoggaaminayay wasiirka Wasaaradda Dr Sacad Cali Shire iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Mudane Maxamed Cabdi Gurxan.

Kulankan oo qaatay muddo 4 saacadood ah waxa ka soo baxay in bil walba badhtankeeda ay waax walba soo jeediso waxqabadkooda billaha ah, sida oo kale, waxa la isla gartay in la xalliyo dhammaan caqabadaha xannibaya xaqiijinta qorshaha waaxaha.

Nidaamka dhigista qorshe-hawleedka iyo xisaabinta waaxaha ayaa ah mid ku cusub Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. Nidaamkan lagula xisaabtayo Waaxaha Wasaaradda ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa ah, kaas oo looga gol leeyahay in lagu dardargaliyo shaqada baaxada leh ee ay qaranka ugu xilsaaran tahay Wasaaradda Horumarinta Somaliland.

Qorshe-hawleedkan ayaa sida oo kale sahlaya in ay waax walba yeelato shaqo u gooniya oo lagula xisaabtamo, isla markaana sababaysa in la ogaado halka loo socdo iyo halka laga soo dhaqaaqay, taas oo wadada u xaadhaysa nidaam hufan oo lagula xisaabtami doono masuuliyiinta iyo guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale, tan iyo mudadii uu xilka Wasaaraddaas loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa waxa uu gabi ahaanba is-bedel ku sameeyey nidaamkii shaqo ee Wasaaradda guud ahaan, kaas oo sahlaya in sarkaal kasta oo ka tirsan wasaaradda loo xilsaaro shaqo u gooniya oo lagu dabo-gali doono, isla markaana ku wargaliyey masuuliyiinta waaxaha wasaaradda mid walba shaqada laga rabo inuu qarankiisa u qabto.