Waddamada ECOWAS waxay fursad kama dambays ah siisay Madaxweyne Yahye Jammeh

 

Milateriga Galbeedka Afrika ee doonaya in ay fara-geliyaan dhibaatada ka dhalatay doorashada madaxtinimada ee waddanka Gambia ayaa sheegay in ay hakinayaan horay u dhaqaajinta ciidammadooda ee guddaha dalkaasi.

Madaxa urur goboleedka ECOWAS, Marcel Alain de Souza, ayaa sheegay inuu u ogolaan doono madaxweynihii ee loogaga adkaaday doorashada, Yaxye Jammeh, in uu xilka iskii isaga dego ilaa waqtiga qadada ee maanta, ka hor inta uusan ku amrin ciidammada ka socda dhowr dal oo Galbeedka Afrika ah in ay xoog meesha uga saaraan.

Jammeh ayaa markii hore aqbalay natiijada doorashadii la qabtay bishii la soo dhaafay, hasayeeshee goor dambe ayuu ra’yigiisii badalay oo uu diiday inuu aqoonsado natiijada ka soo baxday doorashooyinkii Gambia.

Xalay ayaa haddaba madaxweynaha 3-aad ee Gambia loogu dhaariyay Adama Barrow, xaflad lagu qabtay safaaradda dalkaasi uu ku leeyahay magaalada Dakar ee waddanka dariska ah ee Senegal.

Haddaba waxoogaa ka hor inta aanan la dhaarin Adama Barrow, ayaa wasiirka warfaafinta ee Gambia, Sidi Njai, waxa uu BBCda u sheegay in dhaqdhaqaaqa ciidammada ECOWAS aanay wax walaac ah ku hayn.

Madaxweyne Adama Barrow ayaa hadal uu jeediyay markii la dhaariyay kaddib waxa uu ka codsaday ciidammada qalabka sida ee dalkiisa inay daacad u noqdaan.

 

bandhige@gmail.com