WADDANI Wuxuu ka soo Horjeedaa Ictiraafka JSL Walina Muucadayn Mawqifkiisa….” Wasiir Buuni

Hargaysa (Dawan) Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurta Somaliland ayaa tilmaamay in isbiga Wadani oo kala mawqif yahay madaxda Soomaaliya heshiiska taariikhiga ah ee Somaliland iyo Itooobiya u dhexeeya.

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Cabdinasir Muxumed Xasan Buuni ayaa faahfaahin ka bixiyay heshiiska taariikhiga ahaa ee Somaliland iyo Itoobiya iyo sida ay bulshada Somaliland u soo dhaweeyeen inay gaadhaan himiladii ay hiigsanayeen, balse waxa uu wax laga xumaado ku timaamay in mawqifka Xisbiga Wadani ee heshiiskaasi oo noqdo mid la mid ah am aka sii fog ka Soomaaliya oo kale.

Waxaanu xusay wasiir Buuni in mawqifka xisbiga Wadani uu yahay in aan Somaliland la ictiraafi, waxaanu xusay inay si qumaati ah uga soo horjeedaan qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo himilooyinkiisa.

Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Somaliland Cabdinaasi Muxumed Xasan Buuni oo waysi gaar ah siiyay warbaahinta dawladda ayaa aad ugaga waramay in Ictiraafkii Somaliland baadi-goobaysay 33-ka sano ay muuqato helitaankiisaa.

Wasiir Buuni ayaa sidoo kale nasiib darro ku tilmaamay in xisbiga Wadani oo ka soo hor jeeda qaranimada iyo helista aqoonsiga inuu bulshadana ka rabo inay sidaasi ku doortaan.

Wasiirka Buuni ayaa sidoo kale xusay in Xisbiga Wadani inta ka soo hor jeedaan in dalka la aqoonsado, aanay hananayn madaxtinimda dalka, waxaanu tilmaamay in shacabka Somaliland ay gacantooda ugu hiilin doonaan Xisbiga Kumiye ee u taagan difaaca iyo keenista Ictiraafka dalka ka maqan sodonka sano waxaanu yidhi

“ Nasiib darro Xisbiga Wadani waxa uu kala mawqif noqdaya ama uu kasii daran yahay arrinta heshiiska Somaliland iyo Itoobiya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dawladda taagta daran ee uu hogaamiyo, mawqifkoodu Wadani wuu cad yahay, waa In aan dalkan la Ictiraafin, waa in aanu dalkani Qaranimo helin, Qaranimada Somaliland ayay si qumaati ah uga soo hor jeedaan”.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com