Wafti Balaadhan oo uu hogaaminaayey Maareeyaha wakaaladda Horumarinta waddooyinka Somaliland,ayaa maanta soo kormeeray Dhismaha wadada isku xidha Borama iyo Baki

Wafti Balaadhan oo uu hogaaminaayey Maareeyaha wakaaladda Horumarinta waddooyinka Somaliland ENG Mowliid Nuux Ibraahim oo ay wahelinaayeen Agasimaha guud wasaradda Beeraha Somaliland Maayirka Degmadda Baki iyo masuuliyiin kale ayaa maanta soo kormeeray Dhismaha wadada isku xidha Borama iyo Baki, iyagoo u kuurgalaayey habsami u socodka shaqada wadadaas.

Waftigaas ayaa waxaa warbixin kooban ka siiyey habsami u socodka howsha jidkaasi Eng khaddar Gaaxnuug, oo ka mid ah farsamoyaqaanada howsha jidkaas gacanta ku haya iyo Eng Xassan Caateeye oo ka socday hay-adda badbaadinta carruurta Save childrend, waxaanay si wado jir ah uga warameen qaabka howsha wadadaas u socoto, iyagoo xusey howshii wadadaasi in ay dhammaad ku dhowdahay,ayna u hadhsan tahay 3kilomitir oo carro kaawidiiii ka dhimantay ,halka dariiqaasi ay isticmaali doonaan dadweynaha ku dhaqan Baki, Borama iyo Ruqi, marka jidkaas howshiisa la dhammmeystiro.

Maareeyaha Guud wakaaladda Horumarinta jidadka Somaliland Eng Mowliid Nuux ibraahim ayaa ka waramay in wakaaladda horumarinta jidadku jidkaas ka qaadatay door muhiim ah oo 14 kilomitir oo dhul buuraleyda wadadaas martay ka howgaleen oo ay burburiyeen dhagxaantii waa weynaa ee xidheysay jidkaas,iyadoo maareeyuhu xusey in mashruucaas oo u qeybsamayey saddex qeybood oo kala ahaa baneynta buuraha ,carro kaawada iyo daamurka oo la saari doono.

Gabogabadiina,Maayirka Degmadda Baki Maxamed axmed caateeye iyo sh. Cumar c/laahi kana mid ah odayaasha deegaanka ayaa uga mahadceliyey howlawadeenada hay-adda horumarinta jidadka Somaliland dadaalkooda ku horumarinayaan jidadka kala duwan ee dalka.