Wafti ka socda xukuumadda Somaliland ayaa gaadhay magaalada Jigjiga ee xarunta dowladd degaanka Soomaalida Itoobiya

Wafti ka socda xukuumadda Somaliland ayaa gaadhay magaalada Jigjiga ee xarunta dowladd degaanka Soomaalida Itoobiya, waftifgaas oo ka kooban wasiirka wasaaradda warfaafinta, wasiirka wasaaradda qorshaynta Qaranka iyo wasiirka tiknoolojiyada iyo isgaadhsiinta, kadib markii dab qabsaday suuqa Taywaan ee magaalada Jigjiga.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta JSL, Saleebaan Yuusuf Cali Koorre, ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland u xilsaaray in ay bulshada dowladd degaanka la qabsadaan dhibta ka soo gaadhay dabkii baabiโ€™iyay suuqa Taywaan ee magaalada Jigjiga, waxaanu xusay in ay aad iyo aad uga xun yihiin dhibaatada dadka soogaadhay.

Waxa waftiga xuduuda Somaliland iyo Itoobiya ku qaabiley isla markaana ugalbiyay dhinaca magaalada Jigjiga Lataliyaha khaaska ah ee madaxweynaha DDS Aamiin Mahdi iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan ah.

Ujeedada socdaalka masuuliyiintan ayaa ahayd in ay dhibaatada ay la qaybsadaan dadkii ku hanti waayay dabkii xalay ka kacay suuqa Taywaanka ama suuqa ganacsiga magaalada Jigjiga oo dhibaato hantiyeed geystay.