Waftigii Somaliland ee uu hoggaaminayay wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee JSL Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa booqasho ku tagey Dekedda dalka Taiwan ugu weyn ee Kaohsiung.

Waftigii Somaliland ee uu hoggaaminayay wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee JSL Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa booqasho ku tagey Dekedda dalka Taiwan ugu weyn ee Kaohsiung.

Wasiirka iyo waftigiisa oo toddobaadyadii ugu danbeeyay booqasho ku joogay dalka Taywan ayaa booqday dekadda ugu weyn dalkaasi, taas oo hogaamisa Dekedaha Taywan iyo aagga Ganacsiga ee Farglory.

Ujeedada booqashadaasi ayaa ahayd sidii hay’adahaasi ay iskaashi ula yeelan lahaayeen dhigooda Somaliland.

Waftiga ayaa intii ay ku gudda jireen kormeerkooda soo indha indheeyay qaabka ay u shaqayso dekadda weyn ee dalka Taywan, waxaanay masuuliyiinta Somaliland ee booqday dekaddu ka markhaati kaceen horumarka ay sameysay dekaddu.

Masuuliyiinta dekadda Taywan ayaa si weyn u soo dhaweeyay wafti ka socda JSL, ee booqday dekadda, waxaanay balanqaadeen in ay Somaliland kala shaqayn doonaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.