WAR-BIXINTA SANADLAHA AH EE WAX QABADKA WASAARADDA MAALIYADDA OO WAAXAYSAN.

Kulan-hawleed lagu qiimaynayey waxqabadka Waaxaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee sanadkii hore ee 2023 ayaa maanta ka qabsoomay hall-ka Xafiiska Xisaabaadka Guud.

Kulankan oo ah mid sanadle ah ayey ujeedadiisu tahay sidii loo qiimeyn lahaa waxa Waax walba uga qabsoomay qorshaheedii saanadlaha ahaa; iyada oo Agaasime waaxeedyadda mid kasta gaarkiisa looga dhagaystay war-bixin ku aaden wixii uga qabsoomay qorshihii loo dejiyey, wixii qabsoomi waayey iyo sababaha ay u qabsoomi waayeen.

Kulan-hawleedka oo ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Md. Saleebaan Jaamac Diiriye iyo Agaasimaha Guud Md. Maxamed Xuseen Cismaan, in kasta oo ay kal-hore [2023] jireen culaysyo badan oo soo wajahay Wasaraadadda hadana waxa laga dheehan karayey war-bixinta masuuliyiinta Waaxaha in ay Wasaaraddu horumar fiican ka samaysay dhinacyo badan.Dhinacyada horumarka fiican ay Wasaaraddu ka samaysay waxa ka mid ahaa: meel-marinta iyo adeegsiga systemyadda casriga ah ee is-wada, Dib-u-habbeynta Maamulka Maaliyadda, cashuuraha, Kastamadda, Wacyi-galinta & xoojinta xidhiidhka Cashuur bixiyaha, dabbaqaadda xeerarka, Maamulka Miisaaniyadda iyo kharash bixinta, wax-Iibsiga, dib-u-habbeynta shaqaalaha iyo siyaasaddaha kobcinta dhaqaalaha iyo dhiiri-galinta wax-soosaarka gudaha.

Wasaaradda H.Maaliyada JSL waxa ay leedahay qorshe u yaal oo sanadle ah, iyo waliba Qorshaha Istiraatijayadda Shanta Sano oo ah khariidadda ama jidka Xafiis-kastaa u raaco socodsiinta hawlaha uu u idmanyahay. Waxaana sedexdii biloodba hal mar lagu sameeyaa qiimayn waxa ka fulay.

Kulan-hawleed ka oo qaatay saacado badan, waxa si wada jir ah u soo xidhay Wasiirka WasaaraddaDr. Sacad Cali Shire isaga oo masuuliyiinta Waaxaha ku amaanay sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadkii loo xilsaaray, isla markaana kula dardaarmay u diyaargarawga meelmarinta waajibaadyada ku xusam Qorshe-hawleedka sanadkan bilawga ah ee u yaal