Mudane Adam Abdelmoula oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa booqasho ku yimid Somaliland 27kii ilaa 29kii January isagoo kulano la qaatay xukuumadda kuwaas oo ku saabsan arrimaha baniโaadanimada iyo hadafyada mudnaanta u ah horumarinta Somaliland. Wuxu sidoo kale kulano la mid ah la qaatay hayโadaha aan dawliga ahayn iyo kuwa Qaramada Midoobay. Adam wuxu ka shaqayn jiray Hargeysa muddadii u dhaxaysay 1999 ilaa 2002 hase ahaatee safarkani waa kiisii ugu horreeyey tan iyo intii dhammaadkii sannadkii hore loo magacaabay Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Isu-duwaha Hayโadaha Qaramada Midoobay iyo Isu-duwaha Arrimaha Baniโaadanimo.
Md. Adam Abdelmoula madaxda sare ee dawladda ee uu la kulmay waxa ka mid ahaa Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil โSayliciโ. Md. Abdelmoula wuxu hadalkiisa awoodda ku saaray sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha muddada dheer soo taagnaa: โWaxaynu og nahay in Somaliland iyo deegaanada ku hareeraysan ay saameeyeen abaaraha soo noqnoqday iyo barakaca bulshaduโ ayuu yidhi Adam. Wuxu intaa raaciyey โTaasi maaha wax lala yaabi karo, laakiin waxa ka dhashay dhibaatooyin soo taxnaa ku dhawaad 20kii sanno ee ugu dambeeyey. Waxayna taasi innoo sheegaysaa in aynu u baahan nahay in aynu la nidaamno qaabab cusub oo aynu dhibaatooyinkaa wax kaga qabanayno.โ
Kadib kulan uu Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay la qaatay Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md. Xasan Maxamed Cali โGaafaadhiโ wuxu yidhi โWaxan rajaynayaa in aan dhakhso u soo noqdo oo aan kulano iyo falanqayn intan ka qoto dheer la yeesho Xukuumadda oo aanu ka wada shaqayno arrimaha horumarinta iyadoo aanu hadda ku gudo jirno diyaarinta Hannaanka Wada-shaqaynta Qaramada Midoobayโ.
Intii uu joogay Hargeysa, Md. Abdelmoula wuxu sidoo kale booqday mashaariic ay wadaan UNHCR, UNFPA iyo IOM.
-Dhammaad-