War-saxaafadeed: Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaani waxaay taageersan yihiin go’aanka gudida dhex-dhexaadinta

Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaani waxaay taageersan yihiin go’aanka gudida dhex-dhexaadinta

Waxaanu ugu baaqaynaa Baarlamaanka inaanu xagal daacin heshiiska

Ururada Madaxa-banaan ee Bulshada Rayidka ah (ISCO Somaliland) waxaay si buuxda u taageersan yihiin go’aanka ay gudida dhex-dhexaadintu gaadheen, kuwaas oo soo jeediyay talooyin lagu maaraynayo khilaafka ku aadan Gudida Doorashooyinka Somaliland. Waanu uga mahad-celinaynaa gudida dadaalka iyo ka go’naanshaha ay la yimaadeen.

Waxaannu ugu baaqaynaa dhamaan dhinacyada ay khuseeyso oo dhan inay u fuliyaan go’aanka si niyadsami ah oo ay ka fogaadaan ficil kasta oo majo-xaabin kara fulinta heshiiska. Waxaanu soo dhowaynaynaa in xisbiyada siyaasadeed aqbaleen go’aanka.

Waxaanu walaac ka qabnaa hadalo ka soo yeedhay qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka. Hadii Labada Gole ee Baaarlamaanku ay qaadaan talaabo ay ku majo-xaabinayaan fulinta go’aanka la isla qaatay, waxaanu ku baaqaynaa in gudaha iyo debeddaba looga aqoonsado inay yihiin xagal-daaciyayaal (spoilers) oo laga qaado talaabooyin sharci oo ku haboon.

Shacabka Somaliland waxaay mudo dheer sugayeen inay wax doortaan. Doorashada Baarlamaanka iyo golayaasha
deegaanadu waa inay dhacdo sanadka 2020.

Ururada Is-bahaysiga ku midoobay ee war-saxaafadeedka soo saaray waa:

1. Centre for Policy Analysis
2. Centre for Youth Empowerment,
3. COMPAD Human Rights and Community Organization
4. Garsoor Social Development organization
5. Horseed Organization
6. Hope Development organization
7. Human Rights Centre
8. Solidarity Youth Voluntary Organization (SOYVO)
9. Somaliland Street Children Rehabilitation Centre
10. Somaliland Women Association (SOWA)
11. Somaliland Women Development Centre (SOWOD)
12. Voice for Somaliland Women Minority Organization (VOSOMWO)
13. Hodan Women Relief Organization

Contact
Ms Sahra Mohamed Ali
Mobile: +252 63 4329950
Email: iscosomaliland@gmail.com
Twitter: @ISCOSomliland
Website: iscosomaliland.org