Wararkii u dambeeyey ee dagaalka Yukrayn iyo Golaha Ammaanka oo kulmaya gelinka dambe ee maanta

Iyadoo uu dagaalka ka socda Yukrayn sii kululaanayo ayaa maanta oo Jimce ah Ruushku isugu yeedhay Golaha Ammaanka, isagoo ka cabanaya Maraykanka oo uu sheegay in uu Yukrayn ka dhex sameeyey shaybaadho lagu sameeyo hubka kimikada ah ee wax gummaadda, kuwaas oo uu ula jeedo in la doonayo in lala beegsado ciidamada Ruushka.

Hubka wax gumaada ee kimikada ah ayaa dunida ka mabnuuc ah, waxaana 40kii sanno ee ugu dambeeyey lagu isticmaalay Ciraaq iyo Suuriya, iyadoo lagu eedeeyey in ay buufiyeen dad ka soo hor jeeday. Hase ahaatee talisyadii waddamadaa ka talinayey waa ay beeniyeen.

Ruushka ayaa awood weyn ku leh Golaha Ammaanka oo ka kooban 15 xubnood, wuxuuna ka mid yahay shanta waddan ee leh awoodda qayaxan ee loo yaan fiito, waana ta u suurtagelisay in uu isugu yeedho Golaha oo xubno badani ka soo horjeedaan.

Ruushka ayaa labadan maalmood ee u dambeeyey u muuqda in uu horumar ka samaynayo dagaalka Yukrayn, kadib markii sida warbaahintu werisay uu toddobaad iyo dheeraad mari la’aa difaaca adag ee Yukrayn. Wuxu ku durkay 5 mayl magaalo-madaxda Yukrayn ee Kyiv taas oo uu damacsan yahay in uu hareereeyo, kadib markii uu ka faroxashay magaalooyin halkaa ku dhawaa.

Ruushka ayaa sidoo kale go’doomiyey magaalooyin muhiim ah oo ku yaalla Koonfur-Bari Yukrayn, kuwaas oo ay ka mid tahay Mariupol, wuxuuna sidoo kale markii koowaad sawaariikh ku ganay magaalooyin ku yaalla galbeedka fog, kuwaas oo loo fahmay in aanay jirin magaalo ka nabadgeli doontaa.

Hase ahaatee waxa la sheegayaa in uu isagana soo gaadhay khasaare aad u ballaadhan, iyadoo warbixin Maraykanku soo saaray lagu sheegay in 6000 oo askari kaga dhinteen, 10% ka mid ah gaadiidkiisii gaashaanaa iyo hubkiisiina ay ku burbureen. Waa tiro ku dhaw intii Maraykanka kaga dhimatay Ciraaq iyo Afgaanistaan oo la isku geeyey muddo labaatan sanno ah.

Wada-hadallo u dhaxeeyey wasiirrada arrimaha dibedda ee Ruushka iyo Yukrayn ayaa ku dhammaaday natiijo la’aan.

Warbaahinta galbeedka ayaa u muuqata in ay dhinac ka mareen Ruushka, iyadoo warbaahintii Ruushka ee caalamiga ahaydna badankeedii khadka laga saaray.

Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah

Bandhige kala soco wixii hadba ka soo karodha dagaalka Yukrayn.

Bandhige@gmail.com