Warbixin: Barnaamijkii taabo galay ee taakulaynta abaaraha ee Facebook-ga

 

Ibraahim Suldaan Cabdiraxmaan oo mar ahaa Guddoomiyaha SONYO haatana ka mid ah qurbe-joogga Somaliland ee Sweden ayaa bilaabay qaadhaan Facebook-ga loogu ururinayo dadka abaaruhu saameeyeen ee Somaliland, fikraddaas oo aad ugu dhex fidday dhallinyarada waxtar badana yeelatay. Ibraahim oo barta uu Facebook-ga ku leeyahay xalay qoraal kooban soo dhigay wuxu yidhi:

Barnaamijkii Facebook-ga ee abaaraha waxa lagu ururiyey lacag u dhaxaysa 25000 ilaa 30000 USD

Mudane/Marwo!

Waxaa noo caddaatay in aan ADIGA iyo ANIGU haddii aynu go’aansano inaan ummaddeena wax u qabano aan ka midho dhalin karno. Waxaan ogaanay in awoodda iyo kartida dhallinyarada ku jirtaa ay tahay mid waddanka wax badan ka badali karta. Waxaan ogaanay in baraha internetka ee bulshadu ku kulanto siyaabo badan oo wax tar leh looga faa’iidaysan karo. Sidaas darteed ANIGA, ADIGA IYO DHAMMAANTEENBA waxaan u baahanahay in aan awoodahaas ka faa’iidaysano, dadkeena iyo dalkeenana uga faa’iidayno.

Waxaan 45 maalmood ee ugu danbeeyay soo wadnay barnaamijkii taakulaynta abaaraha ee aynu bartan Facebook-ga ka bilownay 2017 01 23 oo qofkii ugu horreeyay soo dhigay ballanqaadkiisii koowaad. Waxaa ka soo qayb qaatay dad badan oo Ilaahay dartiis u caawiyay walaalahooda abaaruhu saameeyeen. Way adkayd in aan wada ogaado dhammaan dadka ka soo qaybgalay barnaamijka, laakiin waxaa ii suuro gashay in aan diwaan galiyo intii aan arkay ka qayb galkooda ee ila soo wadaagay caddaymahooda. Barnaamijku wuu ballaadhay waxaanu ka baxay xuduuddii aan ku maamulayay sidaas darteed waxaa ii suuro galay in aan helo ku dhawaad 200 oo rasiidh (receipt). Lacagtii halkaas ka soo xarootayna waxay noqotay lacag gaadhaysa 25000 USD.

Aniga iyo asxaabtii iga caawisay diwaangalinta dadkii ka soo qayb gaatay, waxaan isla qaadanay in qiyaastii tirokoobkan aan haynaa uu yahay ku dhawaad 60% – 70% ee ka qayb galayaashii barnaamijka… Taas waxaan uga jeednaa waxaa jira dad badan oo ilaa 30% noqon kara oo aaanan arag ka qaybgalkooda. Waxaa laga yaabaa in aanaan “Facebook friends” ahayn ama ayna nala soo wadaagin receipt-kii/caddayntii ay lacagta ku bixiyeen.

Sidaas darteed, haddii lada wada heli lahaa ka qaybgalayaasha waxaa lacagta soo ururisay waxay ka badnaan lahayd ugu yaraan 30,000 USD. Warbixintan maaha mid scientific ah ee waa qiyaaso aanu ka samaynay macluumaadkii aanu kula kulanay barta Facebooka. Lacagta saxda ah ee ku dhacday akawnada kala duwan ee Guddida Abaaraha waxaa warbixintooda sheegi kara uun Guddida Abaaraha… Anaguna waxaanu xisaabtan ka keenay caddaymihii dadku ay soo galiyeen barahooda Facebook-ga… waxaanay ku kala bixiyeen akowno kala duwan.

Tusaale ahaan ZAAD, Dahabshiil, Salaama Bank iyo kuwo kale oo badan. Ugu dambayn waxaan aad ugu mahadnaqaynaa dhammaan dadkii ka soo qayb qaatay barnaamijkan, gaar ahaan kooxdii ugu horeysay ee ku dhiiratay in ay ballanqaadkan galaan. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqaynaa dadkii lacagaha badan ay ku noqotay ee sida nafhurka leh u bixiyay wixii ay ballan qaadeen. Waxaan si gaar ah u xusayaa dadkii ka qayb qaatay inay sii dhiiri galiyaan barnaamijka si dadka abaaraysan ay ugu ururiyaan taakuladan…

Ibraahim Suldaan Cabdiraxmaan