Wargalin ku socota ardayda Jamhuuriyadda Somaliland ee wax ka barata dalka Itoobiya

Ardayda Somaliland ee wax kabarata Itoobiya ayaa lagu wargaliyay inay waxbarashada kusii wataan hanaanka online-ka ah.

Si looga hortagga faafitaanka xanuunka Coronavirus ayaa waxay dawladda Itoobbiya fasaxday dhamaan ardaydii wax kabaranaysay magaalooyinka kuwaas oo ay qayb ka yihiin ardayda Jamhuuriyada Somaliland.

Tan iyo markii la fasaxay ardayda waxaa jirtay dedaalo loogu jiray sidii loosii ambaqaadi lahaa waxbarashada waxaanay Itoobiya go’aansatay in hanaanka online-ka ah lagu qaato waxbarashada.

Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa ayaa soo saartay war-saxaafadeed ku saabsan wargelin ku socota ardayda Somaliland ee waxbarashada u joogta Itoobiya, kadib markii ay Itoobiya fasaxday goobihii waxbarashada ee dalkaas. Hoos ka akhriso wargelinta.