Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed ayaa deeq sharaab ah gaadhsiiyey cisbitaalka dhimirka iyo xarunta agoomaha Hargeysa

Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed  ayaa Maanta Deeq Sharaaba Gaadhsiiyey Cispitaalka Guud ee Hargeysa Gaar ahaana Qaybta Dhimirka iyo Xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargeysa.

Deeqdan Sharaabka ah oo ka Koobnaa Noocyada kala duwan ee Sharaabka Nooca Frout ka ah ayaa waxaa labadaasi Xarumood Ugu Soo Deeqay Maxamed-Aamiin Siyaad Aw-Cabdi  Oo Ah Nin Muwaadina oo ku dhaqan Dalka Denmark waxaanu u soo Wakiishay Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed .

Maamulka labdan Xarumood ayaa ka Mahadnaqay Deeqdan Sharaabka ah ee la soo Gaadhsiiyey iyagoo Xusay inay Waxbadan ka Taridoonto Baahi badan oo ka jirta labadaasi Xarumood.