Warsaxaafadeed Xafiiska Telefishanka Qaranka Somaliland ee xaruntiisa LONDON UK

 

Marka hore Hanbalyo dhamaan shacbka Somaliland munaasibada xuska 18-ka May maalinta Qaranimda Somaliland hanbalyo iyo boogadin kabacdi, waxaa dib u habeyn iyo isbedal balaadhan wasaaradda Warfaafintu ku samaysay qaab dhismeedkii hawalaha waraabinta qaranka ee dibeda taaso xaruuntii warabahinta qaranka ee dibeda laysugu keeney Dalka Uk gaar ahaan magalada LONDON.

Hadaba waxaan halkan ku faahfahineynaa habka cusub ee jaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan dibaduhu ula shaqayn doonan warbahinta qaranka gaar ahaan Telefishanka qaranka xaruntiisa Magalada LONDON.

1- Waxa jaaliyadaha Somaliland ee dibeddaha  waajib ku aha in ay soo diyaariyaan muuqalada kulamada iyo barnaamujyada ay doonayaan in uu ka baxo TV-ga qaranka oo ay iyagu soo duubaan isla markaana u soo gubiyaan Tv-ga qaranka xaruntiisa London.

2- in Barnaamujyada iyo wararka tv-ga qaranka ka baxaya ee ay jaliayaduhu soo gudbiyaan ay ku saleysnaadan waxqabad buuxa oo ku jeeda horumarka Somaliland.

3- In Barnaamujyada Arrimha samafalku ay noqon doonan kuwa leh ahmiyada koowaad ee TV-ga qaranka somaliland xaruntiisa dibeda marwalaba ugu hor marin doono.
Qodobadda kor ku xusan ayaa noqon doona kuwo aad fafahintooda kala soo xidhiidhi karto masuliyinta tv-ga qaranka xaruntiisa London.

Tel 44 208 7494125612
e-mail somalilandmaanta1@gmail.com

Address Crown house LONDON UK.
Madaxa Tv-ga Qaranka Ee Dibeda
Wariye Abdikarim Muse Abdi (Dalmar).