Warshad samaysa kiimikada ayaa laga baqayaa in ay ku qaraxdo Houston daadad hala keeyeen 

 

Warshad sameyso kiimikada oo ku taalla magaalada ay fatahaaduhu ka dhaceen ee Houston ayaa la filayaa in ay qaraxdo ama dab ka kacaan maalmaha soo socda.

Xilligii uu da’ayay roobka mahiigaanka ah ee Harvey, warshadda kiimikada Arkema waxaa ka demay qaboojiyayaasha hayay kiimikada oo u baahan in ay qabow ahaato xilli kasta.

Hadda ma jirto si looga baaqsan karo in ay qaraxdo ama dab uu qabsado, sida ay sheegtay shirkadda.

Ugu yaraan 33 qof ayaa ku dhintay duufaanta iyo roobabkii ka da’ayay magaalada Houston ee gobolka Taxes.

Laanta korontada Maraykanka ayaa sidoo kale dhaawac uu gaadhay, shirkadaha shidaalkuna waxay xidheen dhuumaha.

Laanta saadaasha hawada ee Maraykanka ayaa hoos u dhigtay saameynta ay dabeyshu ku yeelan karto oo markii dambe isu badashay xaalad xun.

Waxa la filayay in roob culus uu ka da’o bariga gobolka Taxes iyo Galbeedka gobolka Louisiana.

Shirkadda Arkema ayaa shaqada joojisay Jimcihii, ka hor inta aysan duufaantu billaaban.

Laakiin biyaha faraha badan ee ku fatahay nawaaxiga warshadda ayaa jaray korontada, sida lagu qoray war ka soo baxay Shirkadda. Sidoo kale kaabayaasha korontada iyo matoorada loogu talagalay in la adeegsado marka korontada guud maqan tahay ayay biyo galeen.

Shirkadda waxay sameysaa walxo ka kooban kiimikada peroxides, waxaana ay noqon karaan halis haddii ay kululaadaan.

Agaasimaha guud ee Shirkadda Richard Rowe ayaa Reuters u sheegay “dabka wuxuu noqon doonaa holac aad u weyn”.

wuxuu sheegay in qiiqa madow ee ka soo baxa uu sababayo in ay jidhku iyo indhaha cuncunaan dadka, wuxuuna dhib u geysan karaa sambabada.

“Biyaha heerkoodu sareeyo ee meesha yaalla, iyo koronto la’aanta ayaa naga dhigayo in aynaan haysan fursad aan dhibka uga hortagno, ayuu yidhi madaxa shirkadda.