Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu waxay tababar u qabatay dhallinyarada ka qalin jebisay Jaamacadaaha

 

Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashanaysa hayada Qaramada miboobay ee UNFPA ayaa waxay tababar lagu baranayey xirfadaha ganancsiga u qabatay dhallinyarada ka qalin jebisay Jaamacadaha dalka.

Tababarkan ayaa waxa uu socday muddo laba cisho ah, ayaa waxa lagu baranayey sidoo loo abuuri lahaa ganacsi iyo sidii loo maarayn lahaaa,

Agaasimaha waaxda dhallinyarada ee Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xasan Cabdi  ayaa waxa uu ka warbixiyey muhiimada uu leeyahay tababarkani. waxaanu ku dheeraaday in ay dhallinyarada Somaliland u baahan yihiin xirfadaha lagu abuuro ganacsiga yar iyo maareyntiisaba.

Sidoo kale waxa uu Agaasimuhu kula dardaarmay in ay dhallinyarada in ay ka faaiidsataan tababarkan wixii ay ku barteen uguna adeegaan dhallinyarada iyo sidii iyagu laftoodu shaqo abuur u samayn lahaayeen. Sidoo kale waxa uu Agaasimaha waaxda Dhallinyarada ee Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xasan Cabdi balan qaaday in ay joogtayn doonaan tababarada noocan.

 

bandhige@gmail.com