Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu Maxamed Cabdilaahi Saciid โKhaawi: waxa uu magaalada Hargeysa ka furay tababar ku saabsan hogaaminta.
Tababarkan ayaa waxa ka soo qayb galay qaar ka mid ah arday Jaamacadaha dalka.
Tababarkan ayaa waxa uu socon doonaa muddo afar maalmood ah.
Ugu horeyn waxa tababarka ka hadlay Agaasimaha waaxda Dhallinyarada Maxamed Cabdi Xasan oo ku dheeraaday muhiimada uu leeyahay iyo qorshaha ay wasaarada ku horumarinayso dhallinyarada Somaliland.
Tababarkan waxa Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iska kaashadeen Haโayada Qarama Midoobay ee UNFPA.
Waxa tababarkan si rasmi u furay dhallinyarada ka soo qayb Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdilaahi Saciid โKhaawiโ.
Waxa uu Maxamed Khaawi ku dheeraaday muhiimada uu tababarkan u leeyahay dhallinayarada iyo sidoo kale waxa uu dhallinyarada kula dardaarmay in ay casharada halkan ka bartaan la wadaagaan saaxiibooda iyo arday kale ee aan fursadan helin.
Tababarka ayaa waxa ka qayb galay 40 dhallinyaro ah.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: