Wasaarada Diinta iyo Awqaafta oo Tababar u Furay Haweenka Macalimiinta ka ah Madarasadaha

Hargeysa(Dawan):-Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ayaa tababar u furay shalay Maamuleyaasha haweenka Macalimiinta ka ah Madarasadaha Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo hadal ka jeediyay furitaankii tababarkan ayaa waxa uu sheegay in haweenkan macalimiinta ay sharaf u tahay in quraanka ay dadka barayaan.Waxaana uu yidhi”Majliskan khayrka badan ee aynu iskugu nimid haweenkan macalimiinta ah oo matala kumanaan kale oo haweena.oo dalka leeyahay waxaana sharaf iyo karaamo idiiku filan quraanka aad dadka baraysaan,”.

Sidoo kale Agaasimaha guud ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Khaalid Ibraahim Xasan isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu tilmaamay in ay ka go,an tahay Wasaarad ahaan kor qaadista Cilmiga diiniga.Waxaana uu yidhi”Waa in aad ka faa,iidaysataan cilmiga ay idiin jeedin doonaan Macalimiinta laydiin soo xulay,madaama oo Wasaarada heegan u tahay markasta in ay kor u qaado tacliinta cilmiga diiniga,waxaana loo soo xulay haweenka Macalimiinta oo ka jaanis fiican haweenka kale,”.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com