Wasaarada Maaliydda oo qabatay Kulan Hagaha kabka Dawlada Hoose Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Xuseen Muadinka ayaa kulan u qabtay masuuliyiin ka socday Dawladaha Hoose ee Dalka.

Kulanka oo lagu falanqeynayey hanaanka loo raacayo kabka Dawladaha Hoose ayuu sheegay Agaasimaha Guud inuu xal u heli doono hanaankii DH u dalban lahaayeen kabka Dawladda Dhexe.

Md. Muadin oo hadal ja jeediyey kulanka ayaa sheegay in kulnkan DH ku baran doonaan wax xaq ay u leeyhiin iyo waxa xaq loogu leeyahay oo ah in la hantidhowro.

Kulanka oo Mayirda dalka iyo masuuliyiin kale ka soo qeybgaleen ayuu Agaasimaha Guud ee Maaliyaddu Md Muadin ugu baaqay in labada maalmood ee kulanku socdo masuuliyiintu wax badan ku kordhin doonaan Hagaha kabka DH, iyagoo ka fogaanaya waxii khilaaf ah

Md Muadin ayaa sheegay in hay’adaha wada shaqeyntu ka dhexeyso aanay u talin, balse ku taageeraan waxii guadahooda ay isla gaadhaan, ee la xidhiidha qorshaha Qaranka saddexaad.

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com