Wasaaradda Deegaanka Somaliland oo la Wareegaysa Duur Joogta ay Dadweynuhu Ku Haystaan Guryaha iyo Hudheeladda

Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland ayaa masuuliyad weyn iska saartay sidii loo ilaalin lahaa, loona daryeeli lahaa noocyadda kala duwan ee duur joogta gaar ahaana kuwa lagu haysto guryaha iyo hudheeladda.

Waxaanay wasaaradu bilawday qorshe ay kula soo wareegayso dhamaanba duur-joogta ku jirta gacanta bulshada, iyadoona wasaaradu isku hawshay sidii duur joogta ay dadka shacabka ahi haystaan loo diiwaan gelin lahaa loogalana soo wareegi lahaa dadyawgasida gaarka ah u haysta, isla markaana duur joogta duurkeedii dib loogu celin lahaa.

Xeerka kaymaha iyo duur joogta ee Somaliland ayaa mamnuucaya in guryaha, iyo hudheeladda lagu haysto duur joogta, wuxuuna farayaa wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda iyo tiro koobto tiradda duur joogta ee lagu haysto guryaha iyo hudheeladda.

Waxaanay masuuliyadi ka saaran tahay wasaaradda Deegaanka in ay la wareegto lahaanshiyaha duur joogta sida gaarka ah loo haysto, iyadoo u samaynaysa ama u diyaarinaysa goobo lagu xanaaneeyo laguna daryeelo.

Xeerkani 69/2015-ka ayaa sababta uu u mamnuucay haysashadda iyo lahaanshiyaha gaarka ah ee duur joogta ayaa la tilmaamaa in ay in dadka reer baadiyaha ahi ay ugaadhsadaan noocyadda kala duwan ee duur joogta.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland oo arrintaa ka duulaysaa waxay 11-kii bishan waxay shirkadda DPW kala wareegtay 10 xabadood oo Deerrooyin ah, kuwaasoo hore loogu hayay xarunta shirkadaasi ee magaaladda Berbera.

Deerooyinkan ay wasaaradda Deegaanku kala wareegtay shirkadda DPW ayaa la geeyay xarunta xanaanaynta duur joogta ee Geed-deeble, halkaasoo ay xanaanayn iyo deryeel joogto ah ku heli doonaan.

Bashiir Cumar Xasan, waa ku simaha Agaasimaha waaxda duur-joogta ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Somaliland waxaanu ka waramay waxyaabaha ku soo began wakhtiga in lala wareego Deerooyinka.

Wuxuu sheegay Bashiir Cumar, in Deerrooyinkani ay shirkadda DPW ku haysatay Berbera ay xaaladoodda nololeed aad u liidatay, isla markaana uu isku-duwaha wasaaradda deegaanka ee gooblka Saaxil ku soo wargeliyay arrintaasi, kadibna ay go’aan ku gaadheen sidii ay ugala soo wareegi lahaayeen.

Waxaanu yidhi “Waxaan halkan u joognaa 10 Deero oo aan ka soo wareejinay xarun ay leedahay shirkada DP World, 10-kan Deero ayaa waxa uu isku-duwaha wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada gobolka Saaxil, waxa uu noo soo gudbiyay warbixin ah inay 10 Deero ay xaaladoodu xun tahay, maadaama kulayl badani Berbera ka jiro, Deeradaasi oo ahayd tii sanad ka hor aanu u diiwaangalinay dadkii haystay, taasi oo qorshaha waaxda ku jirtay in kulba sida ay u kala daran yihiin loola soo wareego, looguna xanaaneeyo goob ku haboon taasi oo la rabo in dib loogu celiyo duurkeedii”.

Deerrooyinkani waxaa la keenay xarunta xanaanaynta duur joogta ee Geed-deeble, taasoo ay gacanta ku haysa haayadda caalamiga ah ee CCF, halkaasoo lagu hayo noocyo kala duwan oo duur joog ah, kuwaasoo isugu jira ugaadh iyo dugaag.

Kadib marka muddo lagu xanaaneeyo xarunta Geed-deeble duur joogta waxaa dib loogu celiyaa ama loogu sii dayaa duurkii ay asalkoodii hore sida dabiiciga ah ugu noolaan jireen, sida uu sharaxayo ku-simaha agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda deegaanka Somaliland.

“Waxaa loo diyaariyay goobo lagu xanaaneeyo duur joogta, qaybo waxaa la geeyaa Debis, kuwo kalena waxaa la geeyaa Geed-deeble, oo lagu daryeelaa. Halkan oo ah Geed-deeble kadib marka muddo lagu xanaaneeyo, ee ay ka helaan caws iyo biyo, waxaa dib loogu celiyaa duurkeedii”ayuu yidhi Bashiir Cumar Xasan.

Geesta kale Bashiir, ayaa fariin u diray bulshadda Somaliland, waxaanu ugu baaqay in xeerka kaymaha iyo ilaalinta duur joogta Somaliland ee xeer LR. 69/2015, inuu mamnuucaya in la haysto, la dhaqdo, ama guri ha lagu haysto ama goob gaar ah lagu haysto, duur joogtu nooc kastoo ay leedahay. Kaasoo waajib ka dhigaya in lagu ilaaliyo duurkeedda.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan fursada uga faa’iidaysanayaa in aan fariin u diro bulshadda reer Somaliland in xeerka kaymaha iyo ilaalinta duur joogta xeer LR. 69/2015, kaasoo mamnuucaya in la haysto, la dhaqdo, ama guri ha lagu haysto ama goob gaar ah lagu haysto, duur joogtu nooc kastoo ay leedahay. Kaasoo waajib ka dhigaya in lagu ilaaliyo duurkeedda.

Iyadoo taa laga duulayo waxay bilawday waaxda duur joogta ee wasaaradda Deegaanku, in la diiwaan geliyo duur joogta ay dadweynuhu haystaan, kadibna la diiwaan geliyo, sanadkan 2024-kana waxaanu la soo wareegnay hormadii koowaad, oo ah 10 deerro, kuwaasoo isugu jira 2 Lab ah iyo 8 Dhedig ah”.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com