Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL. Oo kaashanaysa Somaliland National Athletic Federation Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee JSL ayaa maanta shahaado-sharaf gudoonsiiyey Shirkadda East and West Transportation/Shirkadda Bari iyo Galbeed .

Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL. Oo kaashanaysa Somaliland National Athletic Federation Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee JSL ayaa maanta shahaado-sharaf gudoonsiiyey Shirkadda East and West Transportation/Shirkadda Bari iyo Galbeed .

Kulankan oo ka dhacay xafiiska Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Abdirashid Aideed Yasin ayaa sidoo kale waxaa ku wehelinayaayey agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Khadar Xaaji Yuusuf , Agaasimaha Waaxda ICT-ga Eng-Xusri KHadar Aw-dahir Iyo Gudoomiyaha Xidhiidhka ciyaaraha fudud Mohamed Xasan Nageeye .

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa mahadnaq ballaadhan usoo jeediyey shirkadda barri iyo galbeed oo wada shaqayn wayni naga dhaxayso, sidoo kalena si wayn noogala shaqaysey orodkii magaalada hargeysa ka dhacay 23june, iyaga oo si tabbaruc ah noogala shaqeeyay tartankaasi, waxaana run ahaantii ka wasaarad ahaan aanan iloobi karin sida ay markastaba diyaar noogu yihiin horumarka ciyaaraha dalka aanu kawadno, taasi oo ka turjumaysa in shirkadaha kalena horumarkaasi kaga daydaan.

Gudoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud maxamed xasan nageeye ayaa ugu dambayn shahaado sharaftaasi gudoonsiiyey, isaga oo intaasi ku daray inaanay marnaba ilaabaynin abaalka ay gashteen dhalinyaradda somaliland.

Sidoo kale waxaa shahaadadaasi ugudoomay shirkadda barri iyo galbeed maareeye Ku-Xigeenka Cabdirisaaq Cusmaan oo runtii uga mahadnaqay masuuliyiinta wasaaradda iyo xidhiidhkaba sida quruxda badan ee ay ugu soo sameeyeen shahaado sharaftan, annaga oo markastaba diyaar ula ah inaanu sii wanaajino xidhiidhka quruxda badan ee naga wada dhaxeeya, waxaana runtii iyadana aan la iloobi karin in ka shirkad ahaan markastaba aanu ushaqayno dhalinyaradda somaliland sidii kor loogu qaadi lahaa horumarka dhalinyaradda somaliland.