Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha Iyo Dalxiiska waxay beeniyeen eedaymo musuq-maasuq iyo khilaaf saddex geesood oo ka jira wasaarradda oo ay warbaahinta qaar qoreen

Wasiirka Dallinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Axmed Cabdi Kaahin oo uu weheliyo Agaasimaha guud Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) ayaa shalay war-baahinta ayaa waxay guud ahaanba iska fogeeyeen fadeexaddo musuq-maasuq oo dul-hoganahaya wasaaraddooda iyo khilaaf saddex geesood ah oo u dhaxeeya Wasiirka, Wasiir-xigeenka iyo Agaasimaha guud oo ay marreegaha qaar daabaceen.

Ugu horeyn shir-saxaafadeedkan waxa ka hadlay wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Axmed Cabdi Kaahin waxaanu yidh:

“Waxaan u sheegayaa una cadeynayaa cid kasta oo warkaas maqashay ama arragtay xaqiiqdii inaanu sal iyo raad toona lahayn oo haba-yaraate aanu jirin khilaaf noo dhaxeeya aniga iyo masuuliyiinta iga hooseeya ee wasaaradda. War-baahinta xurmo ayaan u haynaa laakiin qaar ka mid ah waxay shaqo iyo caado ka dhigteen inay cambaareyn joogta ah ku qaadaan masuuliyiinta iyaga oo aan u meel dayeyn. Website-yada warkan naga qorayna waxaanu leenahay warkaas aad sheegaysaan waxaanu idin leenahay waanigan xaadirka ahee nagu soo cadeeya oo bal wax marag idiin noqda keena.”

Wasiirku isagoo hadalkiisi wata waxa uu yidhi:

“Waxaad tidhaahdeen wasiirku odhit ayuu geliyay wasaaraddii oo lacago la musuq-maasuq ayaa jira, bal beentaas intaa leeg u fiirsada. Agaasimaha iyo wasiir xigeenkayga wax khilaaf ah oo naga dhaxeeya ma jiro oo si fiican ayaan u wada shaqaynaa iyaga iyo Agaasimo waax-yeedada kale. Toddobaadkii hore Burco ayaan u tagnay hawlaha qabsoomida ciyaaraha Gobollada imikana waxaanu u soconaa Borama, markaas sidaas ayaanu u wada shaqaynaynaa khilaaf muuqda iyo mid qarsoon oo jiraana ma jiro.”

Waxa kale ka hadlay shir-saxaafadeedkan Agaasimaha Guud Maxamed Xuseen Dhabeeye waxaanu yidhi:

Waxaa warkaas xaqiiqda ka fog ee beenta ah naga qoray laba shabakadood oo aanan rabin inaan magacyadooda sheego oo iyagaa is garanaya, saxaafadda dad iskugu dhow ayaanu nahay ka Agaasime ahaan oo saaxiibo ayaanu nahay laakiin ismaan lahayn sidaas ayaa fadeexad aan jirin loo buun-buunin doona. Ma rabo inaan ka sii hadlo beeninta warkaas oo wasiirka ayaa ka hadlay, laakiin waxaan bahda saxaafadda ku guubaabin lahaa inay iska qabtaan kuwa calooshood u shaqays-tayaasha ah ee cambaaraynta aan jirin dadka la daba taagan, waayo kuwaas waxay muuqaal xun ka bixinayaan saxaafadda iyo saxafiyiinta dalkeena. Waxaan leeyahay wax-qabadkayaga iyo ka wasaaraddaba indhaha caafimaadka qabaa way arkaan iyo ciyaarihii iyo dhallinyaradaba sida aanu ugu heelanahay ee ay xukuumadu ugu heelan tahay ee ay mar walba diyaar ugu tahay inay wixii awoodooda ah u qabtaan

Warkan ayaa imanaya goor ay wasaaradda Dhallinyaradda, Ciyaaruhu iyo Dalxiisku ku jiraan qaban-qaabad koobka Goboladda oo lagu wado in bilaabmo bilowga bisha sideedaad ee sannadkan.