Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaarahu waxay qabanqaabisay tartanka kubadda kolayga ee hablaha

Wassarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa soo qabanqaabisay xaflada lagu daahfurayay tartanka kubada basketball ka ah oo khaas u ah hablaha dhalinyarada ah tartankaas oo khusayay barnaamijka kor u qaadida arrimaha caafimadka ee dhalinyarada oo ay maalgalisay hayadada qaramada midoobay ee UNFPA.

Kulankaa wax ka soo qayb galay wafti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka wasarada dhalinyarada iyo ciyaaraha mudane yusuf mire mohamed boos iyo wasiirka wasarada shaqo galinta iyo arrimaha bulshada marwo Hinda wasir ku xigeenka wasarada xananada xoolaha iyo kaluumaysiga marwo yurub, agaasimaha guud ee wasarada dhalinyarada iyo ciyaaraha, abdikariim xusen, xildhibaan mubarik bidhi oo ka mida golaha deeganka ee degamada burco, madax xafiiska hayada UNFPA ee somaliland Dr adam haibe,agaasimaha waxda dhalinyarada ee wassarada dhalinyarada iyo ciyaaraha mohamed hassan,agaasimaha waxda gender ka ee wassarada dhalinyarada iyo ciyaaraha marwo khadra kaliil iyo lataliyaha wasiirka wasarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee arrimaha ciyaaraha hassan warabe cade.

Dhaman masuuliyiintaas oo ka hadlay ahmiyada ay leedahay arrimaha caafimadka ee dhalinyarada rag iyo dumar ba iyadoo loo adeegsanayo dhinaca ciyaaraha ee kala duwan

Tartanka wax ka qayb galay lix kooxood oo ka dhisan somaliland kuwaas oo dhamaan loo qaybiyay qalabkii ciyaaraha ee kala ah dirayo iyo koobaba.