Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu waxay kulan ku saabsan caqabadaha caafimaadka dhallinyarada u qabatay dhallinyarada Gobolka Salal

 

Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo ka qabanayey Gobolada ayaa waxay kulano ay u qabanan dhallinyarada Gobolada kuwaasi oo lagu lafo gurayey caqabadaha soo wajaha dhallinyarada. Waxay kulan ay kasoo qayb galeen 30 dhallinyarada degan Gobolka Salal.

Kulankan oo laba cisho socday waxa lagu lafo gurayey guud ahaanba caqabadaha dhallinyarada iyo sidii ay uga fogaan lahaayeen. ugu horeyn waxa kulanka ka hadlay Agaaisamaha Waaxda Dhallinyarada ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xasan Cabdi waxaanu faahfaahiyey ujeedada kulan lagu lafagurayey caqabadaha dhallinyarada Somalialnd, gaar ahaan dhallinta Gobolka Salal.

Sidoo kale waxa kulanka ka hadlay ku simaha Isuduwaha Gobolka Salal ee Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Salebaan oo ka warbixiyey baahiyaha dhallinyarada Gobolka Salal iyo xaalada ay ku sugan yihiin dhallinta Gobolku oo inta badan.

Tababarkan ayaa waxa iska kaashaday Wasaarada Dhallinyarada Ciyaaraha iyo Ha’yada Qaramada Midoobay ee UNFPA.

Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa waxay guud ahaan kulamadan u qaban doontaa dhallinyarada Somaliland taasi oo wasaaraddu ku lafo guri doonta xaaladaha dhallinyaradaSomaliland iyo sidii looga gudbi laha.

bandhige@gmail.com