Wasaaradda Maaliyada oo maanta golaha Wakiillada hor geeyay Odoroska Miisaaniyada qaranka 2020

Fadhigii 19aad ee kalfadhiga 41aad  oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha Golaha wakiilada JSL mudane Baashe M axamed Faarax ayaa gole weynaha loogu qqaybiyey Odoroska miisaaniyada 2020.

Wasiirka wasaarada Maaliyada JSL Mudane Sacad Cali Shire ayaa warbixinta miisaaniyada ka jeediyey golaha , waxaanu faahfaahiyey Miisaaniyada iyo tiirarka ay ku salaysan tahay iyo meelaha ay culayska saareen Sanadkan.

miisaaniyaada sanadkan ayaa dhan 2,751,304,880,098 oo ka badan tii hore 416,984,416,847 oo boqolay marka loo dhigona noqonaysa 18%.

iyadoo Miisaaniyada Dawlada dhexe ay tahay  2,046,000,000,000

Sidoo kale waxa uu wasiirku  ka warbixiyey  dakhliga dhabta ah ee sanadkan 2019 ka soo baxay oo uu sheegay inay 99.7% ay soo baxday dakhligii la odorosay sanadkan 2019.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: