Wasaaradda Maaliyadda oo Tababar usoo Xidhay Shaqaalaha Cashuuraha Berriga

Wasaarada Maaliyadda ayaa tababar lagaga hadlayay macaamilka Cashuur bixiyayaasha usoo xidhay shaqaalaha cashuuraha bariga.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Maaliyadda Maxamed Xuseen Mu,adinka oo xidhitaanka tababarkan hadal ka jeediyay ayaa waxa kula dardaarmay ka soo qaybgalayaashii in si wanaagsan ula macaamilaan cashuurbixiyayaasha,Waxaana uu yidhi”Waxa aad ku baranayseen Xuquuwda iyo waajibaadka cashuurbixiyaha iyo waajibaadka cashuurqaadaha Wasaarada Maaliyadda,cashuurta waa waajib dastuuriya gudasho la,aaanteeda waxa ka dhalanaysa ciqaab.waxaana halkan ku barateen sidii aad ula macaamilayseen qofkii cashuur bixiyaha,sida ugu wanaagsan waa in aad ula macaamishaan inaga oo sharcigana ka tagan oo cashuurta aad ka qaadaan.markaa waxa ay u baahantahay samir iyo dulqaad,waxa aynu u soconaa qofku raaliya in uu cashuurta bixiyo oo dhibka faraha badan ee ka dhalata raadinta cashuurta in laga gudbo waxa aynu soconaa in qofku bixiyo cashuurta isaga oo raaliya,”.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com