Wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland, ayaa sheegtay in la dhammeystiray 3 Ceel…

Wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland, ayaa sheegtay in la dhammeystiray 3 Ceel oo laga qoday deegaanka Laasduure, kuwaas oo laga maal-galiyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF2) wejigiisa labaad.

Sidoo kale waxa ay xustay in ay dhammaadeen qodista iyo qalabaynta Ceelashaasi oo uu la socdo hirgelinta nidaamka isku dhafka injiinada iyo ka faa’idaysiga qoraxda, waxaanay intaas ku dartay in saddexda Ceel ee la dhammeystiray lagu soo xidhay xarunta cusub ee biyo-soo-saarka Geedeeble.

Geesta kale waxa warka ka soo baxay wasaaradda Qorshaynta lagu sheegay in Ceelashan cusub ay soo saaridoonaan 4,000m3 maalintii, isla markaana qorshuhu yahay in ay waraabiyaan 154,000 oo qof oo ku nool magaalada Hargeysa.

Gaba-gabadii waxa ay wasaaraddu sheegtay in hadda ay socota tijaabadii biyaha ceelasha si loo hubiyo habsami u shaqaynta qalabka iyo ceelashaba.

default