Taliska ciidanka booliska Somaliland, ayaa bulshaweynta reer Somaliland uga digey….

Taliska ciidanka booliska Somaliland, ayaa bulshaweynta reer Somaliland uga digey waxyeelooyinka ka dhalankara roobabka dayrta oo dalka ka curtay.

Waxa sidan lagu sheegay war qoraala oo ka soo baxay taliska ciidanka booliska Somaliland, oo soo gaadhay Wargeyska Dawan , waxaaney ciidanka booliska Somaliland bulshada ku nool gobollada iyo degmooyinka dalka, fareen in ay ka fogaadaan goobaha dooxooyinka, laagaha, biyo-mareenada iyo biraha laydhka.

Geesta kale waxa ay fariin mihiima u direen wadayaasha gaadiidka, waxaanay ka codsadeen inay dhimaan xawaaraha ay ku soconayaan, isla markaana ay muujiyaan masuuliyad iyo feejignaan dheeriya, qaataana amarada ciidanka nabadgelyada waddooyinka JSL.

Gaba-gabadii waxa lagu sheegay warka soo baxay taliska ciidanka boolisku inay ciidanku u taagan yihiin ilaalinta Diinta , Nabadda , Maalka iyo Nafta muwaadiniinta JSL .