𝗦𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗮𝗱𝗸𝗮𝘆𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗔𝗺𝗺𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗾𝗮𝗯𝘁𝗮𝘆 𝗕𝗼𝗼𝗿𝗮𝗺𝗲

𝗕𝗢𝗥𝗔𝗠𝗔 – Kulan lagaga hadlayay adkaynta nabadgelyada ayaa ka dhacay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

Kulan lagaga arrinsanayay adkaynta nabadgelyada oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Awdal, sida waxgaradka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, dhallinyarada iyo madax dhaqameedka ayaa ka dhacay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

Sida uu ku soo waramayo wariyaha wakaalada wararka Somaliland ee SOLNA ee magaalada Borama, Abokor Xasan Caafi, waxa ay sheegeen in ujeedada kulan tahay adkaynta nabadgelyada, waxaanay tilmaameen in nabadgelyadu cidkasta ay dan u tahay.

Sidoo kale odayaasha iyo madax dhaqameedka gobolka Awdal ayaa sheegay in nabadgelyada iyo abnigu ay yihiin waxa lagu degan yahay gobolka Awdal iyo degaanada hoos yimaada, waxa ay xuseen in nabadgelyadu ay tahay waxa horumarka lagu gaadhay, iskuulada lagu dhistay.

Gaba-gabadii waxa ay Qurba-joogta gobolka Awdal uga digeen inay ka fogaadaan hadalada naca iyo kala qaybsanaanta keenaya, waxaanay ka codsadeen inay ka qayb qaataan nabad-dhiska iyo horumarka gobolka ka socda