Wasaaradda Waxbarashadu waxay qaadaysaa imtixaankii lagu galayey dugsiga sare ee Sheekh

Wasaaradda Waxbarashadda iyo Saynisku waxay ku wargelinaysaa dhammaan ardaydayda danaynaysa ee haysta darjada (dhibcaha) ugu sareeya ee fasalada 8-aad ee dalka in la qaadi doono imtixaankii lagu galayey dugsiga sare ee SOS (Sheekh), kaasi oo ay qaadi doonaan dugsiga SOS, waxana imtixaankaasi dhici doonaa ย maalinta khamiista ee ay taariikhdu ku beegan tahay; ย 27/9/2018-ka, ย Waxana imtixaankaa lagu geli doonaa dugsiga H/Dhexe ee Sheekh Madar (EX- Xuseen Giire).

Imtixaankan maadooyinka lagu qaadayaa waxay noqon doonaan; Saynis iyo xisaab. Sidaa darteed waxa lagu adkaynayaa ardayda danaynaysa ee haysta darajooyinka loo baahan yahay in ay wakhtiga ilaaliyaan.