Wasiir-ku-xigeenkii Caafimaadka ee Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday ayaa khudbad tawaawac iyo libgad u badan ka jeediyey xil-wareejintiisii

 

Xaflad meeqaamkeedu aad u hooseeyo oo ay xilka kula kala-wareegeen Wasiir ku-xigeenka cusub ee wasaaradda caafimaadka  mudane Xassan Xusseen iyo wasiir ku-xigeenkii hore ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee  wasaaradda Caafimaadka.

Xaflada xil wareejintaas ayaa ahayd mid aan waxbaba lagula kala wareegin, una muuqatay talan iyo tawaawac uu xilka ku wareejiyey masuulka xilka wareejiyey, kaasoo aan haba-yaraatee ka hadal howshii uu Wasaarada caafimaadka ka hayey, isla markaan aan wax macluumaada iyo agab toona ku wareejin masuulka xilka kala wareegay.

Wasiir ku-xigeenka hore Xasan Daahir Dhinbiil    ayaa haddaladii uu ka jeediyey xafladaas ku bilaabay sidan:

“Wasiir ku-xigeenka waxa la I magacaabay iyadoo dil khatar ahi ka taagan yahay xariirad, odayaal badana ay xidhan yihiin, oo loo maaran laayahay labada kooxoodba la isku keeno, illaahay mahadii waanu xalinay waanaanu dhamaynay khilaafkii taagnaa,”

Waxa kale oo intaasi ku daray:

“Somaliland guud ahaanba qoladayadan galbeedka lexo-jeclo badanbaa naga haysa, xoolo badan, dadbadan iyo dhiig badan baa nagaga maqan, waxaanu ahayn afartii boqol ee askari ee maalintii cigaal lagu soo doortay boorama la soo raaciyo, oo laga soo qaaday jabhadihii meelahaas deganaa ee Somaliland unkay,”  

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Waxaan leeyahay dhamaan taageerayaashayda, waxaan isku haystaa nin balaadhanoo illaa iyo Taleex Iyo Saylac dad badan iyo saaxiibo badan ayaan ku haystaa, waxaan leeyahay waxaynu ka wada shaqeynaynaa nabada iyo horumarka jamhuuriyada Somaliland,  Waxaan doonayaa inaan noqdo mid mideeya umada, oo aan u kala abtirin, gobolka awdal ee aan ka soo jeedo oo ugu horeeya, oo baryahan odayaashii iyo salaadiintii oo dad badani ku kala qoqoban yihiin, magacyadan markii horeba jiri jiray, laakiin siyaasaddu dadka qaarkood dardar galisay in aanu nidhaahno walaalaad tihiin midnimadiinuna waa midnimada Somaliland, qadiyadda siyaasaduna waa maalmo, maalmahaa lagu jiro ayey sugan tahay, wax intaa sugan maaha inay dadka kala kaxeyso.”

Gababadii hadalkiisa wasiir ku xigeenka xilka wareejiyey waxaa yidhi:

“Xildhibaanadii saylac ee la xidhay, waxaan leeyahay waxa aydun noqon kuwo ku jira xabsiga ama xildhibaano jira, xukuumadana waxaan leeyahay sharciga ha illaaliso.”

Dhinaca kale, waxa isaguna hadal kooban ka jeediyey wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaradda caafimaadka Xassan Xusseen, isagoo farxadi wajigiisa ka muuqato waxa uu yidhi:

“Maanta farxad weyn bay ii tahay madaama aan ugu imid wasaaradan wasiir ka soo jeeda beesha darafka bari, labadayaduba waxaanu ka soo jeednaa beelaha darafyadda,   haddal badanna odhan maayo oo bil-ramadaan. Sidoo kale, waxa halkaasi hadal kooban ka jeediyey xafladaas, wasiiru dowlaha wasaaradda deegaanka, ka dibna waxa soo gunaanaday xafladaas wasiirka wasaaradda caafimaadka oo tallo-guud mar ah siiyey wasiirka xilka laga caydhiyey, kaasoo yidhi: “Waxa aad arkaysaa inta badan oo dhacda Nin soo jaray xawaare dhan 160-km oo jihadaa waqooyi ah, ka dibna, aad arkayso haddana isagoo jihadaa koonfureed jaraya 180-km, markaa waxaan leeyahay wasiir ku xigeenkan xilka laga qaaday, in aanu  habayaraatee  noqon nin xil-ka qaadistu badasho dhaqankiisii, nidaamkiisii, wax qabadkiisii, nabadeyntiisii iyo sidii hore ee uu ahaan jiray.”

Xigasho: Hubaal Media

bandhige@gmail.com