Wasiir Sulub oo Madaxweynaha uga Warbixiyay Xaalada Burco

Burco (Dawan) Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland Mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa Madaxweyne ugu warbixyey xaaladda ay ku sugan tahay magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco.

Wasiir Siciid Sulub ayaa sheegay in shacabka Burco ay u taagan yihiin difaaca dalkooda oo midaysan “Haddii aanu nahay waftigii madaxweynaha ka soo horeeyay Burco caafimaad qabta ayaad u timid, Burco gacmaha is haysata inaad u timid, Burco doorasho xor iyo xaala u diyaara inaad u timid, Burco maradeeda mooye maankeedu isdaarin ayaad u timid, Burco difaaca dalkeeda u taagaan oo u midaysan ayaad u timid” ayuu yidhi .

Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland Mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa ILLAAHAY ka baryey in uu qalbiyada shacabka mideeyo bari iyo galbeed waxan uu yidhi “ Waxaan ILLAAHEY ka baryaynaa in uu inoogu siiwado, oo bari iyo galbeedba lagu midoobo”

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com