Wasiir-xigeenkii maamulka gobollada iyo degmooyinka Axmed Faarax Cadarre ayaa loo magacaabay Wasiirka Caddaaladda

War-saxaafadeed labaad oo mar dhawayd ka soo baxday madaxtooyada waxa lagu buuxiyey xubintii ugu dambaysay ee xilalkii wasiirnimo ee shalay la banneeyey.

Axmed Faarax Cadarre oo hadda ahaa Wasiir-Xigeenka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ayaa loo magacaabay Wasiirka Caddaaladda Somaliland.

War-saxaafadeedka oo dhammaystirani wuxu u dhigan yahay sidan:

WAR-SAXAAFADEED

ย 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3638/102015 ku magacaabay Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka Jamhuuriyada Somaliland.

 

Madaxweynuhu:-

ย 

Markuu Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:ย ย ย ย  Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:ย ย ย  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu goโ€™aansaday

ย 

In Mudane, Axmed Faarax Cadare, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiir Ku xigeenka Maamulka iyo Degmooyinka ee Wasaarada Arimaha Gudaha)

ย 

ALLAA MAHAD LEH


ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Naasir Yuusufย  Daahir

Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.