Wasiiradda Xukuumadda kaga jira Sool iyo Sanaag ayaa waxay la shireen  Gudoomiyaha Wakiiladda, Wakhti Hanti Dhawr Galay Xafiisyadood

 

Wasiiradda Xukuumadda Kaga Jira Sool Iyo Sanaag Oo Hayb Ahaan Ula Shiray Maanta Gudoomiyaha Wakiiladda, Wakhti Hanti Dhawr Galay Xafiisyadood, Qaarkoodna Dacwad Musuq Maasuq Xeer Illaalintu Ka Hayso.

“Maanta Reer ayaanu ahayn Danahooda ka shiraya, Arin Dawladeed maanta maanu hayn, Mid Qabiil ayay Ahayd, Maalmaha Qaarna Waanu Shirnaa, qaar waanu cibaadaysanaa, Qaarna Dawladda ayaanu u shaqaynaa, Maanta waxay ahayd maalintii Reerku Kulmi jiray, Danahayaga ayaanu ka shiraynaa, shirkani illaa Bari ayuu soconayaa”. Xildh Cabdiqaadir Indho Indho oo shirkaasi ku jiray, iskuna deegaan yihiin Masuuliyiintaasi ayaa sidaasi Warbaahinta u sheegay.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.

bandhige@gmail.com