Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo maanta Tababar u Furay Dufcadii 7aad ee Ciidanka Dab-demiska Gobolada Sool, Sanaag iyo Saaxil

Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta tababar u furay dufcadii 7aad ee Ciidanka Dab-demiska gobolada Sool, Sanaag iyo Saaxil.

Munaasibadan waxaa ka soo qaybgalay wasiirka arrimaha gudaha, taliyaha ciidanka Dab-demiska, taliyaha ciidanka Booliska, Badhasaabka gobolka Maroodijeex,Duqa magaalada Laascaanood, xoghayaha fulinta dawlada hoose Hargeysa, xoghayaha fulinta dawlada hoose Berbera iyo martisharaf kala duwan.

Ugu horayn waxaa halkaa ka hadlay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili waxaanuu ugu horayn u mahadnaqay martisharafta ka soo qayb gashay munaasibadan, sidoo kale waxaa taliyuhu ka warbixiyay marxaladii ay soo mareen ciidankan cusub ee gobolada Sool,Sanaag iyo Saaxil oo dhamaantood ku soo baxay imtixaam u dhacay six xor iyo xalaal ah laguna qabtay deegaamadooda.

Waxaanu taliyuhu sheegay in maalmaha soo socda loo bilaabi doono tababaro kala duwan oo kala ah casharo ku saabsan ka hortagga dabka, gargaarka degdega ah, cilmiga korontada iyo duruus kale oo badan.

Dhankooda masuuliyiin badan oo halkaa ka hadlay ayaa si isku mid ah talooyin u siiyay ciidankaa maanta tababarku u furmayo.

Ugu dambayn waxaa munaasibadaas ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha waxaanuu kalmado dardaarana siiyay xubnaha maanta tababarku u furmayo, isagoo wasiirku kula dardaarmay inay u dhabar adaygaan tababarkaa adag ee ay galayaan, marka ay ku noqdaan goobahoodiina ay cilmigaa siday tahay u dabaqaan.Gebagabadiina waxaa wasiirku dufcadaa u furay tababarkaa Ciidanimo.

 

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL

Hargeysa/Somaliland

990 Gurmadka Degdega ah

Info@Somalilandfire.com