Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland wuxu dhagax dhigay Taliska Ciidanka Dab-demiska magaalada Boorama

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa Maanta  Dhagax Dhigay Taliska Ciidanka Dab-demiska Magaalada Boorama oo laga dhagax dhigay Duleedka Galbeed Ee Magaalada Boorama waxaana Munaasibada dhagax dhiga Goob joog ka ahaa Hogaanka Guud Ee Ciidanka Dab-demiska Taliyaha Ciidanka Dab-demiska, Kuxigeenka Taliyaha,Guddida sare ee Dab-demiska iyo Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dabdemiska.

Sidoo kale waxaa iyaguna munaasibadaa ka soo qayb galay Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Xidhiidhka Goloyaasha iyo Badhasaabka Gobolka Awdal, Duqa Caasimada Hargeysa, Duqa Magaalada Boorama iyo masuuliyiin kaloo tira badan.

Ugu Horayna waxaa halkaa ka hadlay Agaasimaha Fulinta ayaa u mahadnaqay Masuuliyiinta ka soo qaybgalay munaasibad waxaanuu Agaasimuhu sheegay in Taliskani yahay taliskii lixaad ee loo yagleeyo ciidanka dabdemiska iyadoo ay ka horeeyeen Shan xaruumood oo kale, waxaanuu tilmaamay Agaasimuhu in hawshii la bilaabay 2014 ee aasaska Ciidanka Dab-demiska ay tanina daba socoto oo ay tahay ballaadhinta Gobolada iyo Degmooyinka guud ahaan Jamhuuriyada Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL Mudane Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa u mahadnaqay dhaman Masuuliyiinta kala duwan ee ka soo qaybgalay Munaasibada dhagax dhiga  Xarunta ciidanka Dabdemiska waxaanuu taliyuhu xusay in dhaman Maayirada iyo Maayorka Magaalada Boorama ay ku daydaan Duqa Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco sida uu dadaalka weyn u galiyay ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa, waxanuu taliyuhu sheegay in Ciidanka Dab-demiska Boorama ay tababarka ku qaadan doonaan Taliska Ciidanka ee Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha,Badhasaabka Gobolka Awdal, Duqa Caasimada Hargeysa, Duqa Magaalada Boorama oo dhamaantood hadalka iskaga dabamaray ayaa iyaguna sheegay inay garab taaganyihiin ciidanka Dab-demiska yahayna mid loo baahanyahay dhamaan bulshada Somaliland.

Ugu Dambayn Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo Munaasibadaas soo xidhay isla markaana dhagax dhigay Xarunta Lixaad ee ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland ayaa ku dheeraaday hawsha culus ee Ciidanka dabdemiska iyo baahida loo qabo, waxaanuu Wasiirku sheegay in dhamaan Jaaliyadaha Somaliland, Ganacsatada iyo bulsho weynta Somaliland isku tashadaan isla markaana magaalo kastaaba iska kaashato Dab-demiska si loo hawlkasta oo qaran ay u hirgasho iyadoo gacmaha lays haysto. Waxaanuu Wasiirku aad u dul istaagay in baahida manta Dab-demis ay tahay mid cid kastaaba u baahantahay xoogana la saaro.

Dhanka  kale waxaa Masuuliyiinta Ciidanka Dab-demiska Qaranku ka qayb galeen Xaflad Xilka uu kula wareegayay Badhasaabka Cusub ee Gobolka Awdal Cabdilaahi Jibriil Gaaxnuug Buraale taasi oo uu xilka kula wareegay.

bandhige@gmail.com