Wasiirka Biyaha JSL oo Kormeeray Ceelasha Biyaha Ceerigaabo

Ceerigaabo (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta khayraadka Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Saleebaan Yuusuf Cali Koore ahna Gudoomiyaha 3aad ee xisbiga Kulmiye oo ay wehelinayaan Wasiiradda Wasaaraddaha Hawlaha guud, Kaluumaysiga, caafimaadka iyo Madaxda heer gobol iyo heer degmo ee Gobolka Sanaag oo maalmihii la soo dhaafay safar shaqo ku joogay Magaalada Ceerigaabo ayaa shalay subax hawl-gal kormeer iyo u kuurgalka xaaladaha biyaha ku tegay qaar kamida ceelasha biyaha ee ay ka cabaan Bulshada ku dhaqan Degmada Ceerigaabo.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta khayraadka Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa warbixino ka dhegaystay masuuliyiinta ceelashaasi gacanta ku haya, kuwaasi oo dhawaan dib u haybayn lagu Sameeyay qaar kamida kuwa kalena ay Wasaaradda Biyuha oo Kaashanaysa Haya’ddaha ay wada shaqaynta leeyihiin ay qodeen.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Horumarinta khayraadka Biyaha ayaa ballan qaaday inay usoo kordhinayaan Ceelasha biyaha ee ay magaaladu ka cabto iyada oo dhawaan ay Wasaaraddu ka hirgelisay degmada biyo ballaadhin dhan 16 km oo beebab ah.

Sdoo kale Wasiiradda ayaa kulan la qaatay guddida nabad galyada Gobolka iyaga oo shacabka kula dardaarmay inay aad u ilaaliyaan Amiga gobolka iyo sidii ay Dadku ugu Wada noolaanlahaayeen nabad galyo.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com