Wasiirka Ciyaaruhu wuxuu ka soo horjeestay go’aankii uu Wasiirka Horumarinta Maaliyadda ku eryey ciyaartowgii Wasaarada Maaliyadda

 

Wasiirka Ciyaaraha Boos Mire ayaa waxa uu ka soo horjeestay go’aankii uu Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi ku eryey ciyaartowgii ku ciyaari jiray magaca Wasaarada Maaliyadda.

Boos Mire waxa uu sheegay in ay go’aanka erigu ciyaartoygu waxay ka hor imanaysaa barnaamijka xisbiga Kulmiye ku hantay talada dalka.

Wasiirka Ciyaaruhu wuxu sidoo kale sheegay in uu isagu leeyahay go’aanka ka dambaysta ah ee lagu kala diri karo bahda ciyaartoyga.

Khilaafkan waxa uu noqonayaa khilaafkii koowaad ee soo kala dhex gala xukuumadda uu gadhwadeenka u yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com