Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha wuxuu furay Kalfadhigii 36aad ee Golaha Sare Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO

 

Kulankan oo ah kii 36aad ee ay isugu yimaadaan tan iyo intii dhidibada loo taagay dalladda dhalinyarada ee heer qaran ee SONYO, xubnaha golaha sare ee dalladdaasi ayaa Maanta si rasmi ah uga furmay Hoolka Shirarka ee xarunta Daladda SONYO ee magaaladda Hargeysa.

Kalfadhigani ayaa waxaa ka soo qeyb galay badiba xubnaha golaha sare ee Dallada kuwaasi oo ka kala yimid gobalada kala duwan ee Somaliland,ugu horey waxaa hadalka qaatay isla markaasina xaflada daah furay agaasima Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO Cumar Cismaan Miigane waxaana uu yidhi

“Farxad iyo sharaf ayay noo tahay inaynu mar kale iskugu nimaadno kulanka noocan ah oo ah kii 36aad ee caadiga ahaa ee afartii biloodba mar la qabto, waxaanan aad iyo aad ugu mahad celinaynaa wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Boos mire oo runtii wakhtigiisa qaaliga ah na soo siiyay iyada oo Dallada SONYO ay tahay baal ka mida baalasha ay xoog ay u wada shaqeeyaan waxaanan leenahay waad ku mahadsantahay ka soo qeyb galkaaga” Cumar Cismaan Miigane

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO Mudane Cabdicasiis Siciid Saalax kaasi oo ku dheeraaday ahmiyada uu leeyahay Kulankani ay golahu iskugu yimaadaan sanadkasta kaasi oo afartii biloodba mar la qabto waxaana uu sheegay in kalfadhiyada caynkana lagu gorfeeyo waxqabadyadii muddadasi ay xubnaha fulinta ee dalladu ay sameeyeen

“Shirkani sidii caadiga ahayd waa shirka lagu odoroso laguna eego, siyaasadaha Dallada wax lagaga badalo meelaha ay siyaasadahu ka soo noqdeen lagu jaan gooyo wax-qabadka soo socda lagu xisaabiyo waxii la qabtay intii la kala maqnaa ee golahu kala maqnaa labba cisho ayaaynu halkan fadhiyi doonaa sida dastuurka SONYO ku xardhan waxaanu aad u eegi doonaa waxii ay qabatay waaxda fulintu oo runtii u baahan isla xisaabtan ka daba tag dhalinyarada Barnaamijyadii loogu dhiibay Dallada sidii loogu talo galay ma loo fuliyay,halkii la hiigsanayay ma la gaadhay,hadii la gaadhi wayay maxaa loo gaadhi waayay? Waxaan odhan karaa waa halkani waa madalaha koobaad ee isla xisaabtanku uu ka dhaco madaama oo golahani uu yahay golaha sare isla markaasina uu yahay golaha ka masuulka inta la imanaayo shir-weynaha” Guddoomiye Cabdicasiis Siciid Saalax

Wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Mudane Boos Mire Maxamed oo kulankaasi daahfuray ayaa waxaa uu u mahadnaqay dhamaanba sida wanaagsan ee ay masuuliyiinta Dallada SONYO Iskula xisaabtamaan isaga oo sheegay in ay jihaynta dhalinyarada iyo waxqabadyo muuqda in loo sameeyo ay tahay siyaasada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

“Dhawr jeer oo horena waan kala soo qeyb galay Dallada imikana waxaa weeyaan Afar biloodkoodi,hawlo badan ayaa u yaala koley wahlahii horena way ka xisaabtamayaan kuwii danbe ee la sameyn lahaana waxay doonayaan inay ku daah furan,waxaan anaga iyo dalladuba aanu ognahay in siyaasada mudane Muuse Biixi Cabdi ay tahay in kor loo qaado dhalinyarada dhalinyaradana hawlahoodu way badanyahiin meelo badan ayayna ku jiraan,wasaaradii dhalinyarada ayaa jirta hay’adahan oo kale iyo SONYO oo Iyana dhalinyaradii ka mida ayaa jirta waxaa jirta wasaaradii waxbarashada oo iyaduna dhan ka soo galaysa wasaaradii qoyska ayaa dhan ka soo galaysa waxay u baahantahay dadaal badan inaynu qabano,siduu madaxweynahu balan qaaday aynu inaguna nahay fuliyayaashii markaa waxay u baahantahay inaynu iskugu keeno xoogeena isla markaasina aynu ka daba tagno waxii aynu qabanay si ay waxeenu u muuqdaan,waanay wanaagsantahay kulankani oo kale” Boos Mire Maxamed

Guddomiye ku xigeenka Dallada Dhalinyarada Heer Qaran Ee SONYO Mudane Maxamed Jaamac Oo dhawaan uu madaxweynaha Somaliland u magacaabay Agaasimaha tababarada ee Koomishanka SOLNAC ayaa halkaasi kaga dhawaaqay is casilaada kursiga madaama oo ay sharci tahay marka xubin ka mida SONYO loo magacaabo xilkale in uu baneeyo.

Kalfadhigani ayaa noqonaya kii 36aad ee Golaha sare ee Dalladu iskugu yimaadaan.

bandhige@gmail.com