Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirisaaq Muuse Faarax ayaa shalay kormeer shaqo iyo indho indhayn ku tegay Xafiiska Xidhiiidhka Ciyaaraha Teakwondo-da ee Magaalada Hargeisa,
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirisaaq Muuse Faarax ayaa sheegay in ay ka go,an tahay wasaarad ahaan wax kasta oo lagu horumarinayo dhallinyarada,
Wasiirka oo ka hadlayay kormeerka uu ku tegay Xafiiska Xidhiiidhka Ciyaaraha Teakwondo.Waxa uu yidhiโWaxaan u mahadcelinayaa Agaasimaha waaxda Ciyaaraha hablaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadra Kaliil iyo Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Mustafe Cali Nuur,waxaana aan boogaadinayaa Guddoomiyaha Xidhiidhka laacdanta lugaha ee Teakwondo-da Mustafe Cabdi Aadan oo Xidhiidhka laacdanta Ciyaaraha lugaha Somaliland ku soo kordhiyay oo horumariyay.waxa kale oo aan boogaadinayaa cid kasta oo kala shaqaynaysa arintan iyo dhalinyarada reer Somaliland ee wakhti ku bixiyay in Ciyaartan bartaan,Wasaarad ahaan waanu barbar taaganahay wax kasta oo kor u qaadaya Siyaasada Somaliland ee dhinaca dhalinyarada,โ.
Waxaana Wasiirka kormeerkan ku wahelinayay Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Mustafe Cali Nuur iyo Agaasimaha Waaxda Horumarinta Ciyaaraha Hablaha Marwo Khadra Kaliil.
Xigasho:wargeyska dawan
Bandhige@gmail.com