Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo shacabka Somaliland ugu baaqay in lagu Shukri noqo Nimcooyinka ALLE ina siiyey.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh.Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo xalay Magaalada Boorame kaga qayb galay Bandhiga buuga Gaara-bidhaan ee laga qorey Abwaan Xasan Shiikh Muumin ayaa shacabka ugu baaqay in lagu shukri noqo nimcooyinka ALLE ina siiyey taas bedelkeedana aynaan wax macsi ah ku darin .

Wasiirku waxa kale oo u bogaadiyey Qoraaga Buugga Gaara-bidhaan Mr Maxamed Saleebaan oo ka mid ah Qoraayada ugu saamaynta badan Somaliland inta badan wax ka qora dadka haldoorka ah ee Dalka iyo dadka usoo shaqeeyay.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa shacabka ugu baaqay in loo duceeyo Marxuum abwaan xasan Shiikh Muumin ,waxaanu wasiirku sheegay inuu ka mid ahaa dhalinyaradii kusoo ababtay suugaantiisa ,caawana ay farxad gaar ah u tahay inuu isagoo nin wayn ah oo Wasiir ah goob joog ka yahay madashan lagu maamusay sidaa darteedna ugu abaal gudayo In aan u duceeyo oo maamuso ayuu yidhi Wasiirku.

Ugu dambayntiina waxa uu Wasiirku yidhi :-

” Diinteena ku dhaqankeeda in aynu sheegano ,macno yeelan mayso hadii wixii ay diidayna aynaan diidin ,wixii ay ina fartayna aynaan u hogaansamin .

 

Alla Mahad Leh