kulankan oo ka dhacay hallka wasaaradda ayaa waxa ka soo qaybgalay Ergeyga gaarka ah ee EU-da ee Somaliland, Ambassador Nicolas Berlanga Martinez, wasiirka wasaaradda Dr. Abdiweli Abdillahi Soufi, Agaasimaha Guud Eng. Ali Abdillahi Dahir, Agaasiimaha E-Government-ka Moustapha Daud iyo La-Taliyaha Wasiirka Liban A. Cashuur.
Ambassador Nicolas ayaa sheegay in EU-du ka taageeri doonto wasaaradda hirgalinta mashaariicda Teknoolojiyadda, qorshaha shanta sano ee E-Government-ga iyo sidii guud ahaan kor loogu qaadi lahaa horumarinta Teknoolojiyadda ee Somaliland isaga oo sidoo kale sheegay in ay la dhacsan yihiin Qorshaha shanta sano ee E-Government-ka ee ay wasaaraddu diyaarisay.
Wasiirka wasaaradda ayaa isna dhankiisa uga mahad celiyay Ambasaddorka iyo EU-da sida ay markasta garab taagan yihiin guud ahaan Somaliland iyo Wasaaraddaba.
Ugu danbayn Wasaaradda Isgaadhsiinta ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa teknoolojiyyadda Qaranka JSL, isla markaana Somaliland u noqon layahd hormoodka teknoolojiyadda Geeska Afirca.