Wasiirka Madaxtooyaddu wuxu Ceerigaabo kula kulmay Guddidii Nabad-Galayada Gobolka Sanaag

 

Wasiirku waxa uu maanta magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo xafiiska guddoomiyaha gobolka kula kulmay guddidii nabad-galayada gobolka Sanaag, ujeedada kulankaasi wuxuu salka ku hayey qiimaynta xaalada nabadgalyada gobolka, xogaha ciidamada qaranka ee halkan ku sugan, sida ay u socoto qaadashada kaadhka cod-bixiyeyaasha doorashooyinka, shaqaaqooyinkii ka dhacay deegaamada Ceel-afweyn sida ay ciidamada Qaranku gacanta ugu hayaan iyo ku tallo-galadooda, arrimahaas oo dhan iyo baahiyaha iyo duruufaha ku geedaaman nabadda gobolkan iyo ciidanka.

Kulankaasi si wacan ayuu u qabsoomay, aad iyo aad ayaan u bogaadinayaa ciidamada qaranka aniga oo munaasibadan ka faaโ€™iidaysanaya doorka ay kaga jiraan adkaynta nabadgalyada, xasiloonida iyo amniga guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan gobolkan, waxaan leeyahay waa geesiyaal gutay xilkoodii mudana in la bogaadiyo, in loo mahad celiyo, Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayo waxa ka goโ€™an dhismaha ciidamada qaranka, in niyadooda kor loo qaado oo la guubaabiyo iyo in noloshooda la wanaajiyo.

Xubanaha guddida nabad-galayada gobolka Sanaag ayaa kala ah.
1.Axmed Cabdi Jaamac (Falaay) Gudoomiyaha Gobolka Sanaag.
2. G.Muuse Jaamac Maxamed (Delef) . Taliyaha qaybta -3aad ee Ciidanka Qaranka.
3 .Ismaciil Xaaji Nuur Faarax Maayarka Degmada Ceerigaabo.
4. G/sare Axmed Siciid Maxamed Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sanaag.
5. Saalax Xasan Yuusuf Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha G.Sanaag
6. C/risaaq Maxamed Axmed Taliyaha Sirdoonka Gobolka Sanaag
7.G/sare Maxamed Cismaan Caalin Taliyaha Ciidanka Asluubta Ee G.Sanaag
8. Sareeye guuto. Faarax Maxamed Mire Hogaanka Hawl-Galinta Ciidanka Qaranka.

Alla mahad leh.
Guul Somaliland.

bandhige@gmail.com