Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa shaaciyey in maalmo yar gudahood ay dawaladda Kuwait Somaliland soo gaadhsiin doono deeqo ku aadan Abaaraha dalka ku jira, oo isugu jira Cuno, dawooyin iyo ceelal biyoodyo la qodi doono.
Wasiirka oo hogaaminayey wefti ballaadhan oo ka socda Xukuumadda Somaliland oo safar hawleed ku jooga dalka Kuwait ayaa sharaxay najiitada kulamo ay la yeesheen Madaxda hayโada bishada cas ee dalkaasi iyo hayโado kale oo samafal.
Maxamuud Xaashi ayaa waxa kale oo uu sheegay inay safarada Madaxda Xukuumaddu ay aad uga duwan yihiin kuwa ay baxaan siyaasiyiinta qaar oo u muuqda inay yihiin tamashle, waxaanu sheegay inay iyagu u maqan yihiin dadweynah Somaliland ee abaaruhu saameeyeen.
Wasiirka Madaxyooyada ayaa arrimahaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Facebook waxaanu yidhi:
โWeftigayagii ka socday Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu maanta la kulanay masuuliyiinta u saraysa hayโada bisha cas ee wadanka Kuwait (KRCS), madaxdaas oo uu hogaaminayey madaxweynaha hayโadaasi Dr. Hilal Al-Sayer, waxaanu kala hadalnay sidii ay gargaar bani-aadamnimo ugu gaysan lahaayeen dadka ay abaaruhu tabaaleeyeen, waxa kale oo aanu iyagana maanta la kulanay Jimciyatul raxma oo ah hayโad samafal oo madax banaan oo ah hayโadda gacanta ku haysa xarunta agoomaha ee Hargeysa Somaliland.โ
Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena ka hadlay goorta ay dawladda Kuwayt si rasmi ah Somaliland u soo gaadhsiin doono taakulada gurmadka abaaraha waxaanu yidhi:
โDhammaantoodba hayโadahaa kala duwan warbixino ayaanu siinaynay, waxaanu uga xog waranay xaalada dhabta ah ee ka jirta Somaliland wakhtigan,ย dhamaantood-na waxa ay noo balan qaadeen inay kaalmo degdeg ah ka gaysan doonaan, kana qayb qaadan doonaan hawl galadaa dadka lagu samata bixinayo. Wakhti aad u yar gudaheed ayaa dalka Kuwait deeqo degdeg ahi inooga imanayaan, hada waxa lagu mashquulsan yahay sidii deeqahaas layskugu dubo ridi lahaa iyo qaabkii loo soo qaadi lahaa. Maalmo yar gudahood waxa ay inoo soo diri doonaan cuno, daawooyin iyo ceelal biyood oo dalka laga qodo.โ
Mudane Xaashi ayaa duray Safarada siyaasiyiinta mucaaridka ah waxaanu yidhi:
โUjeedooyinka socdaaladayadu salka kuma hayaan tamashleyn iyo hudheelo layska dago, sida ay sameeyeen dadka qaarkood ee aynu ka arkaynay, anaggu xukuumad ahaan anagga oo ka damqanayna xaalada abaaraha ee dadkayaga haysa waxaa safarada u gaalaa bixinaynaa in aanu deeqo iyo gargaar u doono, arrimhaas ayaanu ku hawshaysan nahay waxay noqon doonaan Insha Allah kuwa muuqda oo biyo dhiga oo la arko.โ
Wasiir Maxamuud ayaa sidoo kalena ka hadlay kulan ay shalay la yeesheen madax hayโada Sekeda ee Kuwait waxaanu yidhi:
โWeftigii aan hoggaaminayey oo wefti ballaadhan ah, waxay shalay xafiiskiisa kula kulmeen Dr Ibrahim Ahmed Abdullah Alsaleh oo ah maareeyaha guud hayโada madaxa banaan ee Baytul Sakaat ee dalka Kuwait. Waxaannu kala hadalnay xaalada abaareed ee dalka ka jirta, waxaanu siinay warbixin qoraal ah oo dheer, Isaga iyo madaxda kale ee hayโadaasi aadbay arrintaa u fahmeen, waxay garwaaqsadeen duruuftaa ina haysta, waxanay noo wada muujiyeen inay diyaar u yihiin in ay arrimahaa gurmadka inalaga qayb qaataan, faahfaahin dheeraad ah ayaanu gadaal ka bixin doonnaa kaalmada ay dawaladda Kuwait iyo hayโada baytul Sakaat ka gaysan doonaan arrimahaa.โ
Weftiga Xukuumadda Somaliland ee Kuwait ku sugan ayaa daraad la kulmay boqorka dalka kuwait Sheekh Sabax Al-Ahmad Al-Jaber. Wasiika Madaxtooyada waxa safarkaasi ku wehelinaya Wasiirka Qorshaynta Qaranka Maxamed Ibraahim Qabo, Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Xagla-toosiye, Madaxa Haโyada diiwaanka Sekada Sheekh Saciid Jire Iyo Mudane Sakariye Daahir Xuseen oo ka tirsan gudida Qaranka ee taakulada abaaraha.