Hargeysa (Dawan):-Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, ahna afhayeenka xukuumada, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in aanay Soomaaliya hawada Somaliland xukumin xataa boqolkiiba hal.
Sidoo kale waxa uu suโaal geliyay sida ay u hirgelin karto badbaadada duulimaadyada rayidka ah marka horeba.
Wasiir Cali wuxuu sidaas ku sheegay farriin uu ku baahiyay Bartiisa X (Twitter) waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:
โDawlad aan xukumin hawadeeda xataa Boqolkiiba hal (1%), ayaa weli sheeganaysa inay maamusho hawada. Somaliland.
Suโaasha taas ka dhallanaysaa waxa ay tahay โSidee bay u hirgelin kartaa badbaadada duulimaadyada rayidka ah marka horeba?โ
Jamhuuriyadda Somaliland waxay si buuxda u xukuntaa hawadeeda, sidaas darteed, Xukuumadda iyo dadka reer Somaliland waxa ay gabi ahaanba diidan yihiin sheegashooyinka been abuurka ah ee ka soo yeedhay Dawladda Muqdisho ee ku wajahan maamulka hawadaโ
Xigasho:wargeyska dawan
Bandhige@gmail.com