Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta Khudbad ka jeediyey Munaasibad Ballaadhan oo lagu daahfurayey Shiidaalka laga qodayo Degaanka Xood, kaasoo ay qodayso shirkada Genel Energy.
Munaasibad Ballaadhan waxaa ka soo qaybgalay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Maamulka Gobolka Togdheer, Xildhibaano iyo Madax-dhaqameedka
Gobolka,kaasoo dhamaantood soo dhoweeyey Munaasibadan lagu daahfuray bilowga shiidaal ay Somaliland dhulkeeda kala soo baxdo.