Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga JSL Oo Kormeeray Taliska Qaybta 31aad Ee Ciidanka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga JSL Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid) oo uu wehelinayo Abaanduulaha Koowaad ee ciidanka qaranka JSL  Sareeyo Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale , taliyaha qaybta 31aad Gaashaanle Sare Ismaaciil Faarax Cawaale Doolaal iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland ayaa kormeer ku tagay taliska qaybta 31aad ee ciidanka Qaranka kaasi oo ugu kuur galaya hanaanka iyo hab-sami u socodka hanaanka ciidanka.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Taliyaha taliska qaybta 31aad ee ciidanka qaranka JSL G/Sare  Ismaaciil Faarax Cawaale(Doolaal), waxaanu salaam sharaf siiyey waftiga uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga JSL Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid) kaasi oo uga war bixiyey xaalada guud ee taliska qaybta 31aad iyo waliba qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay waxa kale oo uu halkaasi ka sheegay in ciidanka qaranka JSL ay yihiin kuwo markasta u taagan sugida amniga Somaliland.

Abaanduulaha Koowaad ee ciidanka qaranka JSL Sareeyo Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale ayaa isna sheegay in ka ciidan ahaan ay soo dhawaynayaan kormeerka uu wasiirka gaashaandhiga JSL uu ku marayo talis yada kala duwan ee dalka, kaasi oo ku bogaadiyey kormeerka uu wasiirku ku samaynayo waxa kale oo  uu sheegay in si uu wasiirku farxada ula qayb sado ciidanka uu ugu deeqay deeq xoola nool ah oo dhan 35 neef oo adhi ah.

Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga JSL Mudane Cabdiqani Maxamud Caateeye(Fariid), waxaanu sheegay in uu kormeerkani daaran yahay sidii loo dhiiri galin lahaa ciidanka Qaranka, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa (‘’ Kormeerkani waxa uu daaran yahay sidii aan u dhiiri galin lahaa ciidanka qaranka JSL qaybihiisa kala duwan, farxadna wey ii tahay inaan maanta idin soo garab istaago, waxaan idiinku deeqay deeq xoolo ah oo dhan 35 neef oo ADHI ah’’) Ayuu yidhi wasiirka wasaaradda gaashaandhiga JSL Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid).