kulan la qaatay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda Dalka Taiwan Mr Remus Li-Kuo Chen iyo sidoo kale Agaasimaha guud ee Kalluumaysiga Dr Chih-Sheng Chang
Madaxda Labadda Dal ayaa ku dheeraaday xidhiidhka Qotoda dheer ee ka dhexeeya labadda dal iyo sida ay iskaga kaashadaan horumarka dhaqan dhaqaale ee labadda dal
Sidoo kale wasiirka ayaa madaxda uu la kulmay kala hadlay maalgashiga iyo horumarinta kalluumaysiga iyagoo isla qaatay inay maalgashi dhinaca kalluumaysiga ah ka hirgaliyaan somaliland iyo sidoo kale tobobaro dhinaca kalluumaysiga ah oo lasiiyo shaqaalaha wasaaradda kalluumaysiga iyo horumarinta Xeebaha Somaliland iyadoo tobobaradaasi ka kala dhici doonaan labadda dal
Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Taiwan oo kulanka ka hadlay ayaa isna sheegay inuu xooga saari doono sidii ay u fulli lahaayeen mashaariicdaasi.
Kulanka Waxa goob joog ka ahaa Safiirka Somaliland U Fadhiya Dalka Taiwan Ambassador Maxamed Xaaji
Dalka Taiwan ayaa ah dal ay xidhiidh Saaxiibtinmo oo soo jireena leeyihiin somaliland iyagoo labadda dal iska kaashadda mashaariico doora oo u badan dhinaca horumarka.
Xigasho:Telefiishanka Qaranka JSL
Bandhige@gmail.com