Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada iyo sayniska JSL ayaa furay Barnaamij lagu tayaynaayo Wax-barashada Ubadka ku jira dugsiyada hoose.

Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada iyo sayniska JSL ayaa furay Barnaamij lagu tayaynaayo Wax-barashada Ubadka ku jira dugsiyada hoose.

Waxa maanta ka fumay magaalada Hargeisa kulan lagu daah furaayo Barnaamij lagu tayaynaayo Waxbarashada ubadka ku jira dugsiyada hoose kaas oo loogu magac daray “MEERIS DHIGAAL” (Teaching at Right Level TaRL) kaas oo ah hab Waxbarasheed ku cusub adduunyada , waxa ka mida wadamada laga fuliyey; ( Zambia, Uganda, Angola, Somaliland iyo Eriteria ).

Kulankan oo si rasmi ah uu u furay Wasiirka WW&S Mudane Axmed M. Diiriye . Ayaa waxa uu socon doonaa shan ayaamood ah waxaana lagu falan qayn doona sida ugu habboon ee loo gaadhsiin lahaa ubadka Somaliland barnaamijkan balaadhan oo kor loogu qaadaayo tayada waxbarashada dalalka Afrika gaar ahaan, kuwooda dhaca bariga iyo koonfurta oo layidhaa TaRL ( Teaching at Right Level ) kaas oo ay Somaliland ka taageerayso farsamo ahaan Hayadda Qaramada midoobay ee UNICEF. Waxanu si tijaabo ah uga bilaami doonaa badhtamaha sannad dugsiyeedkan
2023/2024.

Ugu horayna waxaa ka haday Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Waxaanu sheegay in barnaamijkani uu muhiim u yahay ardayda dalka isagoo sheegay in ardaydu ay kala baahiyo duwanyihiin, taasina maamulka dugsiga , macalinka iyo guud ahaanba bahda waxabarashadu in ay la socotaa ay muhiim tahay.

Wasiir Axmed Maxamed Diiriye waxaa kale oo uu sheegay in ay muhiim tahay sidii ardaydaga Imtixaanka waaya in fursad labaad la-siiyo waxaanu sheegay in sababta ardayda qaarkood uga hooseeyaan halkii la rabay ay noqon karto duruuf nololeed oo kadis ku noqda ardayga.

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Waxbarashada JSL.

 

Bandhige@gmail.com